Home Wararka Caalamka Iran oo xulafada Mareykanka uga digtay inay sii wadaan duqaymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta

Iran oo xulafada Mareykanka uga digtay inay sii wadaan duqaymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta

by Laacib

Dowladda Iran ayaa si adag u cambaareysay duqaymihii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay habeenimadii Sabtida ka gaysteen dalka Yemen.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanaani ayaa sheegay in weeraradan ay xadgudub ku yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleedka ee dalkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ingiriiska iyo Mareykanka ay mar kale caddeeyeen in ay yihiin kuwa taageeraya dembiyada dagaal ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

“Waxay muujinayaan inay mudnaanta siinayaan, sida ay uga go’an tahay ammaanka Israel iyo ujeedooyinka sharci darrada ah ee ka dhanka ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

Nasser Kanaani ayaa tilmaamay in weerarada ceynkani oo kale ah ay xoojinayaan xiisadda iyo rabshadaha sii kordhaya ee ka jira Bariga Dhexe.

“Mareykanka iyo Ingiriiska waxay doonayaan inay ballaariyaan baaxadda dagaalka & xasillooni la’aanta gobolka, ka weecidda ra’yiga dadweynaha ee dembiyada dagaalka ee Israel iyo in la siiyo Israel fursad ay ku sii waddo dambiyadeeda dagaal.” Ayuu yiri Kanaani.

Kanaani ayaa xulafada Mareykanka uga digay inay sii wadaan bartilmaameedyada ka dhanka ah Xoogaga Xuuthiyiinta, haddii kalena ay xaaladda gobolka faraha ka bixi doonto.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska oo tan iyo 12-kii bishii January weeraro xagga cirka ah ka waday dalka Yemen ayaa ku guuldareystay in ay hakiyaan weerarada Badda Cas ee ay Xuuthiyiinta ku go’doominayaan Dekedaha Israel.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa Axaddii ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan kororka weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska.

Yahya Saree ayaa sheegay in duqaymaha isbahaysiga Mareykanka ay ka fulinayaan goobaha ay maamulaan aysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan maraakiibta, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Marinka Gaza.

Iran waa dalka keliya ee taageerada militari iyo midda maaliyadeedba siiya Ururka Xuuthiyiinta, oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen, waana tan Xuuthiyiinta ka dhigtay cudud muuqato oo haatan ka jirta gobolka.

Xuuthiyiinta ayaa si dhiiranaan leh Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ugu bartilmaameedsanaya maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel, tani oo gobolka ka abuurtay khatar aan horey loo arag, ka gadaal markii Israel ay ballaarisay weeraradeeda naxariis darrada ah ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc