Home Wararka Maanta Iran, Ruushka, Sacuudiga iyo Turkiga oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Xuuthiyiinta

Iran, Ruushka, Sacuudiga iyo Turkiga oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Xuuthiyiinta

by Laacib

Dowladaha Sacuudiga, Turkiga, Iran iyo Ruushka ayaa ka hadlay weerarada xagga cirka ah, ee ay Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ka gaysteen dhulka ay ka arrimiyaan Xuuthiyiinta Yemen.

Dowladda Iran oo taageerta Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa si adag u cambaareysay duqaynta, waxayna ku tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka Yemen.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarada militari, ee ay saakay aroortii Mareykanka iyo UK ku qaadeen magaalooyin dhowr ah oo Yemen ka tirsan.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanaani.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaan u aragnaa weerarka mid xadgudub cad ku ah madaxbannaanida Yemen & wadajirka dhuleed iyo ku xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, xeerarka iyo xuquuqda.”

Waxa uu sheegay in weerarku uu kaga sii dari doono uun xaaladda gobolka, isagoona yiri “Weerarku waxa uu ka qayb qaadan doonnaa oo keliya amni darrada iyo xasillooni la’aanta gobolka.”

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby oo ka jawaabayay warka ka soo yeeray Iran ayaa sheegay in Washington aysan doonayn dagaal toos ah oo ay haatan la gasho Iran.

Boqortooyada Sacuudi Carabi ayaa walaac xoogan ka muujisay bartilmaameedyada xagga cirka ah, ee ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ka fuliyeen goobaha ay ku sugan yihiin Xuuthiyiinta.

Sacuudiga oo muddooyinkii ugu dambeysay wada hadalo nabadeed kula jiray Xuuthiyiinta ayaa si dhow ula socda xaaladda ka soo korortay Bariga Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa dhinacyada loogu baaqay in ay is xakameeyaan, ayna ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara xiisadda gobolka.

“Boqortooyadu waxay xoogga saareysaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Turkiga ayaa dhankeeda cambaareysay duqaymaha xoogan ee lagu qaaday dalka Yemen, oo ay ku sheegtay kuwo aan loo meel-dayin.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay adeegsadeen awood dheeri ah, si la mid ah buu yiri waxa ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Madaxweyne Erdogan ayaa Washington iyo London ku eedeeyay in ay isku dayayaan inay Badda Cas u bedelaan bad dhiig ah, isagoo intaasi raaciyay in ay hurinayaan xiisadda gobolka.

Dowladda Ruushka oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Yemen ayaa sheegtay in uu yahay mid sharci carro ah. Moscow ayaa codsatay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka yeesho duqaymaha uu Mareykanka horkacayo.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa ku dhalleeceeyay labadaasi dal inay caadeysteen ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka, haweeneyda lagu magacaabo Valentina Matviyenko ayaa weerarka ku qeexday mid ka dhan ah haybadda sii lumeysa ee caalamka.

Maria Zakharova, oo ah Afhayeenka Wasaaraadda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in si khaldan loo fasirtay kulankii ay habeen hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen qaraarkii uu soo gudbiyay Mareykanka ee lagu cambaareeyay weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee maraakiibta Badda Cas.

“Mowqifka Mareykanka ee Badda Cas, keliya waxaa weeyaan mid uu ku sii hurinayo xiisadda gobolka. Waxaan si adag u cambaareynaynaa ficilada Mareykanka iyo xulafadiisa.” Ayay tiri Maria Zakharova oo shir jaraa’id ku qabatay Caasimadda Moscow.

Maria Zakharova ayaa tiri “Weerarkan militari ayaa meesha ka saaraya is bedelada wanaagsan ee dhawaan soo baxay ee ku aaddan xallinta colaadda Yemen, sidoo kalena waxa uu Bariga Dhexe oo dhan ka abuuri doonnaa xasillooni la’aan.”

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Jimcihii bilaabay duqaymihii ugu horreyay ee looga jawaabayo weerarada ay Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan kuwa ay leeyihiin Israeliyiinta iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc