Home Wararka Caalamka Isbahaysiga NATO oo ku baaqay in la kordhiyo xabad joojinta Gaza

Isbahaysiga NATO oo ku baaqay in la kordhiyo xabad joojinta Gaza

by Laacib

Beesha Caalamka ayaa Xamaas iyo Israel ku cadaadineysa in ay sii wadaan xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ee Marinka Gaza, xilli ay maanta ku egtahay heshiiskii xabad joojinta ee ay Arbacadii gaareen.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay ogolaadaan in la kordhiyo muddada heshiiska, si xabad joojinta ay u sii shaqeyso.

Xoghayaha ayaa dhinacyada ku booriyay in ay aqbalaan in xabad joojinta ay sii socoto, si ay u suurtagasho in la sii daayo la haysteyaal badan.

“Waxaan ku baaqaya in la kordhiyo hakinta dagaalka, tani waxay u ogolaaneysaa in dadka Gaza ay helaan gargaarka aadka loogu baahan yahay iyo in la sii daayo la haysteyaal badan.” Ayuu yiri Jens Stoltenberg oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Brussels.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO ayaa Brussels ku leh shir laba maalmood soconaya, kaas oo ay kaga hadlayaan colaadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe iyo dagaalka Ukraine.

Dhanka kale Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay Dowladda Iran in ay xakameyso xoogaga ay taageerto ee ku sugan dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ka dib weeraro is daba joog ah oo ay ku ekeeyeen saldhigyada Mareykanka ee dalalkaasi.

Kooxaha hubeysan ee dalalkaasi ka hawlgala ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan saldhigyada ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin labadaasi dal, haddii aysan Washington joojin taageeradeeda Israel ee lagu dhibaateynayo shacabka Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha-ahaatee dadaalada caalamiga ah ee socdo ayaa lagu doonaya in lagu kordhiyo heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas, si heshiisku uu bilow ugu noqdo in la soo afjaro colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc