Home Wararka Maanta Isimada Puntland oo go’aan ka gaaray Xildhibaanada SSC Khaatumo ku metela Baarlamaanka

Isimada Puntland oo go’aan ka gaaray Xildhibaanada SSC Khaatumo ku metela Baarlamaanka

by Laacib

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay uu khilaaf ka taagnaa waxa laga yeelayo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ka soo gala deegaanada SSC Khaatumo ayaa waxay Isimada Puntland go’aamiyeen in doorashada maamulka lagu galo 49 Xildhibaan.

Garaadada SSC Khaatumo ayaa dhawaan sheegay inaysan soo qori doonin 17-kii Xildhibaan ee ku metelayay Baarlamaanka Puntland, sidoo kalena aysan jiri karin cid iska sharaxi karta.

Isimada Dhaqanka Puntland ayaa xalay soo saaray go’aan ay ku sheegayaan in doorashada madaxtooyada lagu galo 49 Xildhibaan, isla-markaana la ixtiraamo go’aanka SSC Khaatumo.

“Maadaama Maamulka SSC Khaatumo iyo Isimadoodu ay si wadajir ah go’aan ugu gaareen in aysan metelaad ku yeelan Puntland waa in doorashada lagu galaa 49 Xildhibaan, taasoo dastuurka waafaqsan, ahna aqlabiyad ka badan tiradii ay ku ansixi lahayd doorasho ka dhacda Puntland oo ku qabsoomi karta 2/3 Xubnaha Baarlamaanka, una dhiganta 44 xubnood.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Isimada Puntland.

Isimada oo bayaankooda ay ku saxiixnaayeen illaa 30 isin ayaa ku baaqay inay is casilaan xubnaha reer Khaatumo kaga jira Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Baarlamaanka.

“Iyadoo la xaqdhowrayo go’aanka Maamulka SSC Khaatumo iyo Isimadooda waa in labada xubnood ee reer Khaatumo ee ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay banneeyaan xilalka ay ka hayaan Doorashada Puntland.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa mustaqbalka laga yeelayo kuraasta bannaanka oo bayaanka lagaga hadlay ayaa lagu yiri “Waa in marka doorashadu dhacdo, maamulka soo baxa, Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay isaga yimaadaan dhameystirka tirada ka bannaan Baarlamaanka Puntland.”

Isimada ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 xubnood, kuwaa oo sida ay sheegeen korjoogteen doona Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Puntland, si looga gaashaanto kalsooni darro iyo kala aamin bax.

Go’aanka Isimada Puntland ayaa imaanaya, xilli Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu Khamiistii sheegay in doorashada lagu galayo 66-ka Xildhibaan, oo kuwa SSC Khaatumo ay ku jiraan.

Madaxweyne Deni ayaa habeen hore ku dhawaaqay in mar kale uu u taagan yahay jegada madaxtinimada ee Puntland.

Puntland ayaa billihii la soo dhaafay wajaheysay khilaaf xoogan oo caqabad ku noqday hannaanka geeddi-socodka ee doorashada maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc