Home Wararka Maanta Iska horimaad khasaare gaystay oo ka dhacay Boosaaso

Iska horimaad khasaare gaystay oo ka dhacay Boosaaso

by Laacib

Iska horimaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa xalay ka dhacay xeebta Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Badda Puntland (PMPF) iyo rag la socday dooni, sida la sheegay hub sharci darro ah ka dejineysay dhanka bari ee xeebta Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay si kedis ah uga soo dul dhaceen doonida, oo xilli rarka hubka ah ka dejineysay xeebta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ay markii dambe doonida ula carareen dhanka badda.

Inta la ogyahay hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka laba kalena oo midkood uu askari ahaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka PMPF ayaa in muddo ahba ku sugnaa waddooyinka soo gala dhulka xeebta, iyagoo markaasi ka feejigan suurtagalnimada in ay dib ugu soo laabtaan kooxihii hubka ku siday doonida.

Laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin iska horimaadka hubeysan ee ka dhacay xeebta Boosaaso.

Ma cadda cidda ay ka tirsan yihiin kooxahaasi iyo haddii ay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada iyo haddii kaleba.

Maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ku leh buuraha darafyada kaga yaala Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Ciidanka PMPF ayaa maalmahaanba dhulka xeebta ah ee Gobolka Bari ka waday hawlgalo amni xaqiijin ah, oo qayb ka ahaa la dagaalanka kooxaha burcad badeedda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc