Home Wararka Caalamka Iska horimaad naadir ah oo ka dhacay Caasimadda Addis Ababa

Iska horimaad naadir ah oo ka dhacay Caasimadda Addis Ababa

by Laacib

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii iska horimaad uu Ciidamada Booliska iyo xubno ka tirsan Jabhadda Fano uu Jimcihii ku dhex maray Magaalada Addis Ababa.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay agagaarka hoolka Millennium Hall ee bartamaa Caasimadda Addis Ababa, xilli ay Ciidamada Booliska isku dayayeen inay gacanta ku soo dhigaan saddex nin oo ka tirsan Jabhadda Fano.

“Dagaal-yahanadu waxay damacsanaayeen inay fuliyaan weerar argagixiso.” Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Booliska.

Warka ayaa lagu sheegay “Laba ka mid ah maleeshiyada ayaa la dilay, kii saddexaadna Ciidamada Booliska ayaa soo xiray.”

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in qofka saddexaad ee is rasaaseynta ku dhintay uu ahaa qof shacab ah, kaas oo ka mid ahaa dadki goobta ku sugnaa, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska.

Iska horimaadkan oo ka dhacay faras magaalaha magaalada ayay dadka deegaanku ku sheegeen mid naadir ah amaba ku cusub, tani oo kalena aanay horey ula kulmin.

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo bishii August la dagaalamayay jabhaddan, oo ah mid qowmiyadeed oo ka jirta Gobolka Amxaarada.

Bulshada gobolkaasi ayaa si weyn uga hortimid amar bishii April ka soo baxay Raysal Wasaare Abiy Ahmed, oo ku aaddanaa in la kala diro Ciidamada Liyuu Boolis, looguna darayo inay ka mid noqdaan Ciidamada Militariga.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay Gobolka Amxaarada, iyagoona si adag uga horyimid in la kala diro ciidamada 11-ka gobol ee dalkaasi.

Siyaasiyiinta Amxaarada qaarkood ayaa go’aankan ku tilmaamay mid dadka Amxaarada u horseedaya inay u nuglaadaan weerarada maamulada deriska, waxayna ku baaqeen in sidoodii ay u sii jiraan ciidamada sida militariga oo kale u tababaran ee Liyuu Boolis.

Fano ayaa xulafo la ahayd Militariga Itoobiya, intii ay dagaalka kula jireen Xoogaga Gobolka Tigrayga. Tigrayga ayaana deris la ah Amxaarada.

In hadda Fano ay weerar ka abaabuleysay Magaalada Addis Ababa ayaa ka dhigan, sida ay siyaasadda ugu sii kala fogaadeen iyaga iyo Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc