Home Wararka Maanta Isku dayo lagu yareynayo fatahaadaha oo ka socda waqooyiga Kismaayo (SAWIRRO)

Isku dayo lagu yareynayo fatahaadaha oo ka socda waqooyiga Kismaayo (SAWIRRO)

by Laacib

Deegaanada dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socdo dadaalo looga hortagayo fatahaadda uu sameynayo Webiga Jubba.

Webiga ayaa ku fatahay qaybo ka mida deegaanadaasi illaa beeraha ku yaala duleedka Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada waqooyi ee Kismaayo ayaa waxaa degan barakacayaasha ugu badan ee gobolka, kuwaa oo horaan dib u dejinta loogu sameeyay halkaasi, ka dib markii deegaanadoodii ay uga soo barakaceen abaarihii kala dambeeyay ee sanadihii dhawaa ka jiray dalka.

Telefishinka afka Maamulka Jubbaland ku hadla ayaa sheegay in laga deyrinayo xaaladda qoysaska barakacayaasha ee halkaasi ku nool.

Qoysaska barakacayaasha oo ku nool guryo u badan kuwo ka sameysan cowshado ayaa walaac ka muujinaya roobabka mahiigaanka ah ee gobolka ka da’aya, oo kaga sii dari kara qulqulka biyaha fatahaadaha ee webiga.

Dhanka kale dadaaladii lagu xakameynayay daadadka ku soo rogmaday Degmada Dhoobley ee gobolkaasi ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay, ka dib markii daadad hor leh ay ku soo rogmadeen degmada.

Maamulka degmada iyo dadka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeysay sameynayay isku dayo ay ku yareynayaan daadadka.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay roobab xoogan ka da’ayeen deegaanada Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan hareeraha webiga in ay ka feejignaadaan khatarta ka iman karta roobabka sii xoogeysanaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc