Home Wararka Caalamka Ismail Haniyeh oo wacad ku maray inaysan is dhiibi doonin

Ismail Haniyeh oo wacad ku maray inaysan is dhiibi doonin

by Laacib

Hoggaamiyaha Siyaasadda ee Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa sheegay in furashada Israel ay afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta aanay waxba ka bedeli doonin guul darrooyinka istiraatijiyadeed ee Israel ka haysata Marinka Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa sideeddii bilood ee la soo dhaafay Marinka Gaza ku haystay la haysteyaal fara-badan oo Israeliyiin, iyadoo hawlgalkii Sabtidiina uu noqonayo kiisii ugu weynaa ee ay Ciidamada Israel ku soo furtaan maxaabiis nool.

Inkastoo hawlgalkan ay Ciidamada Israel ku dileen 210 qof oo dad rayid ah, in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawaceen, haddana Madaxa Siyaasadda Xamaas ayaa wacad ku maray in shacabka Falastiiniyiinta aysan is dhiibi doonin, iska caabintana ay sii socon doonto.

“Dadkeennu isma dhiibi doonaan, iska caabintuna waan sii wadi doonnaa, si aan u difaacno xuquuqdeenna, annagoo ka hortagayna cadowgan dembiilaha ah.” Ayuu yiri Ismail Haniyeh.

Waxa kaloo uu yiri “Haddii gumeystuhu uu aaminsan yahay inay xoog nagu haysan karaan, waxaan leenahay waa dhalanteed, sababtoo ah iska caabintu ma aqbali doonto.”

Ismail Haniyeh ayaa xusay in Ciidamada Israel ay caadeysteen daadinta dhiigga dadka rayidka ah, si ay iska caabinta ugu khasbaan in ay is dhiibaan, ha yeeshee aysan ku gaari doonin yoolashooda dagaalka.

Hawlgalkan ayaa nafis siyaasadeed u ah Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, ka dib muddo dheer oo ay dhibaato ka haysatay, sidii la haysteyaasha ay guryahooda dib ugu soo celin lahaayeen.

Hawlgalka naadirka ah ee ay shalay Ciidamada Israel ku soo furteen Noa Argamani, Almog Meir Jan, Andrey Kozlov iyo Shlomi Ziv ayuu Netanyahu ku sheegay wax cajiib ah.

Netanyahu ayaa sheegaya in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in la soo sii daayo dhammaan la haysteyaasha kale ee weli ku jira gacanta kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa tan iyo 7-dii October dhexda uga jiray guul darrooyin siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, iyadoona uu mucaaradad xoog leh kala kulmay gudaha.

Netanyahu ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo lagu cambeereeyay inaysan wax qorshe ah ka lahayn dagaalka lagu hoobtay, isla-markaana aan natiijada lahayn ee ka sii soconaya Marinka Gaza, tiiyoo aysan haddana dooneyn in la soo afjaro.

Duulaankan ayaa guux iyo buuq siyaasadeed ka abuuray Israel, marka aad eegto khasaaraha ay ciidamadooda kala kulmayaan meedaanka dagaalka.

Ciidamada Israel oo tan iyo bishii October gudaha ugu jira Marinka Gaza ayaan illaa iyo hadda xaqiijin saddexdii hadaf ee loogu duulay, ee kala ahaa burburinta Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc