Home Wararka Maanta Ismiidaamin ka dhacday xero ku taala Magaalada Muqdisho

Ismiidaamin ka dhacday xero ku taala Magaalada Muqdisho

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lagu weeraray Ciidanka Polizia Militare ee degan Degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu weeraray xero ay ciidamadaasi ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista ee degmadaasi. Nin la socday gaarigaasi ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay afaafka hore ee xeradaasi.

Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib laga maqlay goobta uu weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamo kala duwan oo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa xiray waddooyinka soo gala.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan. Idaacadda Andalus ayaa tebisay in ismiidaamiyuhu uu bartilmaameedsaday, xilli ciidamadu ay safaf ku jireen.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu weeraray ciidamada, oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaybo ka mida xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha nafeed ee qaraxaasi uu gaystay, balse waxaa la sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba ay jirto.

Xoogaga Polizia Militare ayaa qayb ka ah Ciidanka Xasillinta Muqdisho, waana ciidanka sida gaarka ah loogu ammaanay inay wax badan ka qabteen xaaladda amni ee caasimadda.

Muqdisho ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeysay u muuqatay mid uu amnigeeda ka soo reynayo, inkastoo Shabaabku ay gaysanayaan isku dayo ay ku carqaladeynayaan ammaanka magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc