Home Wararka Caalamka Israel iyo caalamka oo ay ka dhex tolan tahay

Israel iyo caalamka oo ay ka dhex tolan tahay

by Laacib

Israel ayaa dhalleeceen iyo cadaadis xoog leh kala kulmeysa caalamka, ka dib toogasho wadareedkii ay Khamiistii ciidamadeeda Marinka Gaza ugu gaysteen dad rayid ah oo isugu soo baxay in gargaar loo qaybiyo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ku dhinteen 112 qof, ku dhawaad 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo dhammaantood dad rayid ahaa.

Cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel ayaa sii kordhaya, si loo baaro falka naxariis darrada ah Ciidamada Israel ee sababay dhimashada in ka badan boqol qof oo Falastiiniyiin ah, oo gargaar bani’aadantinimo ka doontay kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo si kulul u cambaareeyay dhacdadaasi ayaa sheegay inaanan wax qiil ah loo haynin gabood-falada Israel ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan, isagoona ku baaqay in la sameeyo baaritaan degdeg ah.

Dowladda Jarmalka oo sidoo kale cambaareysay dhacdada argagaxa leh ayaa Israel ka dalbatay inay dunida u caddeyso dhiigga ay ciidamadeeda gacmaha kula jiraan iyo waxa ay ka dhigan tahay xadgudubyadeeda joogtada ah ee shuruucda caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Cameron oo dhimashada ku tilmaamay mid naxdin leh ayaa sheegay in ay waajib tahay in baaritaan degdeg ah la sameeyo iyo in la helo cid falkaasi lagu la xisaabtamo.

“Tani waa inaysan mar dambe dhicin.” Ayuu yiri David Cameron oo dhanka kale sheegay inaanan la aqbali karin is hortaagga Israel ee gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Dowladda Brazil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la joogo, xilligii ay dunida ka hortaggi lahayd xasuuqa ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres oo mar dambe hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan madaxbannaan oo wax ku ool ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in baaritaankaasi uu lagama maarmaan u yahay in la ogaado sababta Ciidamada Israel ku riixday inay falkaasi ku kacaan iyo weliba askartii ku lugta lahayd.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Charles Michel ayaa dhankiisa ku baaqay in la sameeyo baaritaan caalami ah.

Moussa Faki Mahamat, Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo isna walaac ka muujiyay beegsiga dadka rayidka ah ayaa ku baaqay in la baaro dhacdadan ugu dambeysay.

Duulaanka Israel ee 5-ta bilood foodda ka jaray oo masiibo daran oo bani’aadantimo ka abuuray Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay 30,410 qof, halka 71,700 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Cadaadiska caalamiga ah ee socda ayaa hoos u dhigi kara weerarada aan loo meel dayin ee ay Ciidamada Israel ku leynayaan dadka rayidka ah iyo xanibaadda ay ku hayaan gargaarka gelaya Gaza, inkastoo ay xeeldheereyaasha ku doodayaan in Israel ay sii wadi doonto bartilmaameedyada ka dhanka ah rayidka, illaa iyo inta Mareykanka uu duulaankeeda ku garab siinayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc