Home Wararka Caalamka Israel iyo caalamka oo ku sii kala foganaya dhacdooyinka naxdinta leh ee Gaza

Israel iyo caalamka oo ku sii kala foganaya dhacdooyinka naxdinta leh ee Gaza

by Laacib

Hay’adda World Central Kitchen ayaa sheegtay inay joojineyso howlihii gurmadka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza, ka dib dilkii habeen hore loogu gaystay toddobo ka mid ah shaqaalaheeda.

Madaxa Hay’adda World Central Kitchen, Erin Gore ayaa ku dhawaaqday go’aankoodan, iyagoo aad uga xun wixii ka dhacay Gaza.

Ciidamada Israel ayaa habeenkii Isniinta duqeeyay gaarigii ay la socdeen shaqaalahan, oo marayay deegaanka Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

“Kani ma ahan oo keliya weerar ka dhan ah Hay’adda WCK ee waa weerar ka dhan ah hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo, kaas oo ina tusaya in cuntada loo adeegsanayo sida hub oo kale.” Ayay tiri Erin Gore.

Mar ay ka hadleysay shaqaalahoodii la dilay ayay tiri “Waxay jaceyl u qabeen inay quudiyaan dadka. Go’aanka ay muujiyeen ayay ku muujinayeen in bani’aadantinimadu ka sarreyso wax walba.”

Erin Gore ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay dunida uga taggeen raad aan la tirtiri karin, dadkuna ay xusuusan doonaan, isla-markaana ay qaddarin u hayn doonaan.

Erin Gore ayaa xustay in mustaqbalka ay samayn doonaan qiimeyn ah, haddii ay dib u bilaabi karaan gargaarkooda Gaza iyo in kale, iyadoona Israel ugu baaqday inay joojiso dilalka aan kala sooca lahayn.

Hay’addan oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa waxaa aasaasay cunto kariye caan ah oo lagu magacaabo José Andrés, kaas oo asalkiisu yahay Spanish.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa José Andrés uga tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay shaqaalahooda.

Hay’addan ayaa laba jeer bishii March maraakiib gargaar sida u dirtay Gaza, iyadoona boqolaal tan oo raashiin ah gaarsiiyay shacabka Falastiiniyiinta ee ku go’doonsan waqooyiga Gaza.

Ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee shaqaalaheeda loo gaystay, Hay’adda American Near East Refugee Aid (Anera) oo si dhow ay u wada shaqeynayeen ayaa iyana ku dhawaaqday inay hakineyso howlaheedii Gaza.

Shaqaalaha World Central Kitchen ee la dilay ayaa isugu jiray saddex u dhashay Ingiriiska, min hal qof u dhashay Australia, Poland, Falastiin iyo mid haystay dhalashada Mareykanka iyo Canada.

Ugu yaraan 196 qof oo ka shaqeynayay gargaarka bani’aadantinimo ayaa lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo 7-dii October.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Cameron oo camaareeyay weerarkaasi ayaa Israel ka dalbaday baaritaan degdeg ah, sharaxaad buuxdana ay ka bixiso wixii dhacay.

“Waa lagama maarmaan in shaqaalaha bani’aadantinimada la ilaaliyo, oo ay awoodaan inay gutaan shaqadooda. Waxaan ugu yeeraynaa Israel inay si degdeg ah u baarto, oo ay sharaxaad buuxda oo hufan ka bixiso wixii dhacay.” Ayuu yiri David Cameron.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada, Mélanie Joly ayaa ku baaqday in si adag lagu la xisaabtamo Israel dilka shaqaalaha gargaarka.

“Duqaymaha lagu hayo shaqaalaha gargaarka bani’aadantinimada waa mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.” Ayay tiri Mélanie Joly.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Poland, Radek Sikorski ayaa isna Israel ka dalbaday sharaxaad buuxda, ka dib dhacdadaasi.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si kulul u cambaareeyay dilka shaqaalaha, isagoona sheegay inaysan Israel sameynin wax ku filan, si ay u ilaaliso shaqaalaha gargaarka.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak ayaa isna wax lagu xumaado ku tilmaamay dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhacaya Gaza.

Raysal Wasaare Sunak ayaa Israel ku adkeeyay inay soo afjarto go’doominta adag ee ay ku hayso Marinka Gaza.

Dilka shaqaalaha gurmadka bani’aadantinimo ayaa xoojiyay carrada caalamiga ah ee laga muujinayo weerarada arxan-darrada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Gaza.

Dilka ay Israel u gaysatay Shaqaalaha World Central Kitchen ayaa sii xumeynaya muuqaalkeeda caalamka, waana weerarka mar kale dunida ka dhaliyay carro xoog leh oo ka dhan ah Tel Aviv.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc