Home Wararka Caalamka Israel iyo Xamaas oo gaaray heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is dhaafsi

Israel iyo Xamaas oo gaaray heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is dhaafsi

by Laacib

Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ayaa Arbacadan gaaray heshiis maxaabiis is weydaarsi iyo afar maalmood oo xabad joojin ah.

Xamaas ayaa aqbashay inay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel ee lagu hayo Marinka Gaza, iyadoo taasi bedelkeedana ay Israel xabsiga ka sii deynayso 150 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista ay Xamaas sii deynayso ay yihiin dumarka iyo carruurta Israeliyiinta ee lagu hayo Marinka Gaza.

Sidoo kale 4-ta cisho ee dagaalka la hakinayo ayaa looga gol leeyahay in la fududeeyo sii deysmada maxaabiista iyo in si macno leh uu gargaarka u gaaro magaalada go’doonsan ee Gaza.

Dowladda Qatar oo gacan ka helaysa Mareykanka ayaa maalmihii ugu dambeysay dhexdhexaadin ka dhex waday labada dhinac. Wada hadaladan ayaana looga shaqeynayay sii deysmada la haysteyaasha.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in muddada lagu sii deynayo maxaabiista aanay wax weerar ah ka gaysan doonin Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ballanqaaday in Tel Aviv ay ka shaqayn doonto samababixinta dhammaan la haysteyaasha, si iyagoo nabdoon ay guryahooda dib ugu soo celiyaan.

“Heshiiska na loo soo jeediyay ee aynu aqbalnay, waa marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan.” Ayuu Netanyahu ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Xamaas ayaa Gaza ku haysa dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 200 oo qof, kuwaa oo Xoogaga Xamaas ay ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii October.

La haysteyaasha oo qaarkood laba dhalasho haysta ayaa waxaa ku jira saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Israel.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

Waa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ay dhinacyadu gaaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc