Home Wararka Caalamka Israel iyo Xamaas oo la rajeynayo in ay kordhiyaan muddada xabad joojinta

Israel iyo Xamaas oo la rajeynayo in ay kordhiyaan muddada xabad joojinta

by Laacib

Waxaa soo xoogeysanaya rajada laga qabo in Israel iyo Xamaas ay sii wadaan heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga, kaas oo ku eg maanta.

Heshiiska oo tan iyo Jimcihii socday ayaa horseeday in dhinacyadu ay is weydaarsadaan maxaabiis dhan 240 qof (180 Falastiiniyiin ah iyo 60 Israeliyiin ah), iyadoona uu kor u qaaday garagaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.

Madaxda Sirdoonada Mareykanka, Masar iyo Israel oo ku sugan Caasimadda Doha ayaa la kulmay Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, kaas oo garwadeen ka ah heshiiska dhinacyada.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in Raysal Wasaare Al Thani ay kala hadleen, sida heshiisku uu ku sii socon karo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo.

Raysal Wasaare Al Thani ayaa la sheegaya in sidoo kale uu Magaalada Doha kula kulmay Madaxa Siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh, isla-markaana ay ka wada hadleen, sidii muddada loo dheeraan lahaa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay in Xukuumadda Doha ay daneynayso in muddada xabad joojinta ay noqoto mid si joogto ah u sii socota.

Dhanka kale Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay liiska dadka la fillayo in Xamaas ay caawa sii deyso.

Xoogaga Xamaas ayaa lagu wadaa inay sii daayaan 10 kale oo la haysteyaal ah, halka Israel ay iyana sii deyn doonto 30 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasheeda.

Xabad joojintii hore ee Jimcihii dhaqangashay oo afar cisho ahayd, Isniintiina lagu daray laba cisho ayaa ku eg Arbacadan.

Dadka Gaza ayaa 6-dii maalmood ee ugu dambeysay ka nastay duqaymaha baahsan, ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayeen Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc