Home Wararka Caalamka Israel iyo Xamaas oo soo geba-gabeeyay wejiga hore ee maxaabiis is weydaarsiga

Israel iyo Xamaas oo soo geba-gabeeyay wejiga hore ee maxaabiis is weydaarsiga

by Laacib

Israel iyo Xamaas ayaa xalay soo geba-gabeeyay heshiiskii maxaabiis is weydaarsiga ee afarta maalmood socday, ee bilowday Jimcihii, kuna ekaa Isniintii.

Labada dhinac ayaa xalay ogolaaday in laba maalmood lagu kordhiyo heshiiskii ay Arbacadii gaareen, ee ku aaddanaa xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Xamaas ayaa saacadihii dambe ee Isniintii sii deysay 11 qof oo Israeliyiin ah, tani oo wadarta guud ee la haysteyaasha reer Israel ee la sii daayay ka dhigeysa 50 qof iyo 19 kale oo la haysteyaal ajnabi ah.

Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in 11-ka qof ee la sii daayay ay hadda dib ugu soo laabteen dhulka Israel.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in la haysteyaasha Israeliyiinta ee xalay la sii daayay ay lix ka mid ah haystaan dhalashada dalka Argentina, laba haysta dhalashada Jarmalka iyo saddex haysta dhalashada Faransiiska.

Israel ayaa dhankeeda sii deysay 33 Falastiiniyiin ah. Israel ayaana tan iyo Jimcihii xabsiyadeeda ka sii deysay 150 qof oo Falastiiniyiin ah.

33-ka qof ee ugu dambeeyay ee la sii daayay ayaa isugu jira 30 carruur ah iyo 3 haween ah, sida uu xaqiijiyay Majed Al Ansari, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Dhinacyada ayaa la filayaa in Talaadadan ay bilaabaan wejiga labaad ee maxaabiis is weydaarsiga, iyadoo laga faa’iideysanayo labada maalmood ee xabad joojinta lagu kordhiyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc