Home Wararka Maanta Israel oo afar guuto ka soo saartay Marinka Gaza

Israel oo afar guuto ka soo saartay Marinka Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xalay ku dhawaaqay in Qaybta 36aad ee Ciidanka Difaaca Israel laga soo saaray Marinka Gaza.

Qaybtan oo ka kooban 4 guuto ayaa soo saaristooda lagu sheegay, si ay u qaataan waqti nasiino ah, ka dib dagaalo qaraar oo ay ka galeen Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in ciidamadan ay ka dagaalamayeen bartamaha Marinka Gaza.

Ciidamadan ayaa u badan kuwii bishii December lagu soo bedelay guutooyinka sida gaarka ah u tababaran ee Golani, oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaalka Gaza.

Raadiyaha afka Ciidamada Israel ku hadla ayaa sheegay in saddex qaybood oo kale ay ku hari doonaan Gaza, si ay u sii wadaan dagaalka la sheegay in lagu wiiqayo Xoogaga Xamaas.

“Ciidamada Qaybta 36aad waxaa la siin doonnaa fasax gaaban, ka dib waxay ku soo laaban doonaan furimaha.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Militariga oo raadiyuhu uu baahiyay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah qorshaha muddada dheer ee Israel ay ciidamadeeda kaga dagaalamayaan Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maalin ka hor sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan, muddada ay doontaba haku qaadatee.

Ciidamada Israel ayaa tan iyo 27-kii bishii October ka dagaalamaya Marinka Gaza, markaas oo dhinaca dhulka ay ka weerareen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc