Home Wararka Caalamka Israel oo amar cusub duldhigtay barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool Rafah

Israel oo amar cusub duldhigtay barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool Rafah

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa maanta dadka shacabka ah ku amray in ay banneeyaan bartamaha deegaanka Rafah, xilli ay sheegeen in ay ballaarinayaan hawlgalka ka dhanka ah Xoogaga Ururka Xamaas.

Israel ayaa Isniintii dadka rayidka ah ku wargelisay in ay isaga guuraan bariga Rafah, oo xilligaasi ay sheegtay in hawlgal xadidan laga samayn doono.

Taliska Militariga Israel ayaa Sabtidan soo saaray bayaan ay dadka rayidka ah uga dalbanayaan inaysan ku hakan karin bariga iyo bartamaha ee deegaanka ku yaala cirifka koonfureed Marinka Gaza ee Rafah.

Qiyaastii boqol iyo konton kun (150,000) oo Falastiiniyiin ah oo qaybtood ay yihiin dad dhowr jeer barakacay ayaa hadda ka barakacay deegaankaasi.

Wariyeyaasha ka hawlgala Marinka Gaza ayaa soo sheegaya in awaamiirta ka soo baxday Taliska Militariga ay muujineyso in dadku ay tahay inay isaga wada baxaan qaybaha Rafah oo dhan.

Amarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ciidamada Israel ay Jimcihii hawlgal dhinaca dhulka ah ay ugu galeen bariga Rafah, halkaas oo la soo sheegayo in dagaalo ay ka socdaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa walaac ka muujisay colaadda ay Israel ku ballaarineyso dhulka loo yaqaano (Aagga bani’aadantinimo).

Rafah oo ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar ayaa hoy u ahayd 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo horey si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda, waxayna halkaasi isugu soo uruuriyeen qaab badbaado ah.

Israel ayaa si cad isaga indha tireysa baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaysan hawlgal ballaaran ka fulin Rafah, haddii kalena ay horseedi doonto masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.

Xulafada ugu weyn Israel ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa horey ugu yeeray inaysan wax dhibaato ah ka gaysan deegaankii ugu dambeeyay ee ay dadku isugu taggeen, balse ay u muuqato mid aan wax dheg jalaq ah u siineyn.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku celceliyay in ay lagama maarmaan tahay in ay weeraraan Rafah, si ay uga adkaadaan, waxa uu ku sheegay argagixisada.

Dadka haatan laga barakacinayo Rafah ayaa ah kuwii ay horey Ciidamada Israel uga soo riixeen koonfurta iyo dhulka xeebta ah ee waqooyiga Marinka Gaza, iyaga oo markaasi u sheegay inay taggaan deegaanka ku yaala jiidda koonfureed ee xadka Marinka Gaza.

Israel ayaa dunida kala kulmeysa dhalleeceen xoog leh, waana xilli ay xoogeysaneyso carrada caalamiga ah ee ka dhalatay gabood-faladeeda ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc