Home Wararka Maanta Israel oo bartilmaameed ka fulisay Magaalada Baalbek

Israel oo bartilmaameed ka fulisay Magaalada Baalbek

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay duqayn ka fuliyay Magaalada Baalbek ee bariga dalkaasi Lubnaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda kala dhaxeysa Ururka Xisbullah.

Wakaaladaha Wararka Reuters iyo AFP ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay duqaynta, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

“Diyaaradaha Israel waxay beegsadeen dhisme hore oo Xisbullah ah oo u dhow Isbitaalka Dar Al-Amal.” Ayaa laga soo xigtay ilo dhanka ammaanka ah oo sheegay in dhismuhu uu ku yaalo galbeedka Magaalada Baalbek.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay weerareen dhismo la degan yahay oo ku yaala deegaanka Ansar oo hoostagga Baalbek.

“Dab iyo qiiq xoogan ayaa la arki karayay oo ka kacaya dhismaha la beegsaday.” Ayay sii raacisay NNA.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in qofka duqaynta ku dhintay lagu magacaabo Mustafa Ghorayeb, kaas oo ahaa ciyaaryahan iyo sawir qaade,

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca Baalbek, tan iyo daba-yaaqadii bishii hore ee February. Baalbek ayaa qiyaastii 100km u jirta soohdinta Lubnaan iyo Israel.

8-dii bishii October oo ku beegan maalin ka dib weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku ekeysay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo xilligaas gantaalo isku weydaarsanayay deegaanada xuduudda.

Xiisadda ka dhex oogan labada dhinac ayaa sare u qaadday cabsida laga qabo in iska horimaad buuxa uu ka dhex qarxo.

Xisbullah ayaa mar sii horreysay sheegtay in weerarada ay xoogageeda ka gaysanayaan fariisimaha ay Ciidamada Israel ku leeyihiin aagga xadka Lubnaan ay yihiin kuwo ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel.

Xisbullah ayaa marar badan ku celcelisay inay joojineyso weerarada ay ka waddo waqooyiga Israel, keliya marka ay xabad joojin ka dhaqangasho Marinka Gaza.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas, ugu yaraan 316 qof, oo isugu jira dad rayid ah iyo Xoogaga Xisbullah ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AFP.

Weerarada Xisbullah ka gaysaneyso waqooyiga Gaza ayaa sidoo kale galaaftay nolosha daraasiin Israeliyiin ah, iyadoo tobanaan kun oo Israeliyiin ah ay ka barakaceen magaalooyinka iyo deegaanada ku dhow dhow xadka Israel la wadaagto Lubnaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc