Home Wararka Caalamka Israel oo dad rayid ah ku leysay dugsi ay leedahay Qaramada Midoobey (SAWIRRO)

Israel oo dad rayid ah ku leysay dugsi ay leedahay Qaramada Midoobey (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa mar kale beegsaday goob ay ku sugnaayeen dadka barakacayaasha oo ku taala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha Israel ay laba gantaal ku dhufteen iskuul ay Qaramada Midoobey leedahay oo ku yaala xeradaasi. Dhismaha iskuulka ayaa waxaa buuxdhaafiyay dad fara-badan oo laga soo barakaciyay guryahooda.

Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqaynta, halka in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacantay. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegaya in dadka la dilay ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Dugsiga Al-Sardi oo ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa waxaa gabaadsanayay kumanaan dad rayid ah, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Xamaas ay ka hawlgelayeen gudaha dugsigaasi, isla-markaana ay weerarka ku dileen 20 illaa 30 ka mid ah xoogagaasi.

Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Xamaas oo warkaasi beeniyay ayaa sheegay in Israel ay mar kale gaysatay xasuuq aad u fool xun.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Dugsiga Al-Sardi ee ay hay’addiisu gacanta ku hayso.

“Dugsiga ayaa hoy u ahaa lix kun oo barakacayaal ah, markii la weeraray. Sheegashada ah in kooxaha hubeysan ay ku jireen dhismaha waa mid laga naxo, mana xaqiijin karno sheegashadaasi.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Waxa kaloo uu yiri “Weerarada, beegsiga ama u adeegsiga Dhismayaasha Qaramada Midoobey ujeedooyin ciidan ayaa ah tixgelin qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada. Shaqaalaha Qaramada Midoobey, goobaha iyo howlaha waa in la ilaaliyo mar kasta.”

Lazzarini ayaa intaasi ku daray “Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza 180 xarumood oo UNRWA ay leedahay ayaa la duqeeyay, waxaana ku dhintay in ka badan 450 qof oo barakacayaal ah. UNRWA waxay la wadaagtaa Ciidamada Israel iyo dhinacyada kale ee hubeysan dhammaan dhismayaasha oo uu ku jiro dugsigan. Beegsiga Xarumaha Qaramada Midoobey ama in loo adeegsado ujeedooyin ciidan ma noqon karaan caado cusub. Tani waa in la joojiyaa, waana in lagu la xisaabtamaa kuwa masuulka ka ah.”

Weerarkan ayaa imanaya maalin uun ka dib, markii Ciidamada Israel ay olole militari oo cusub ay ka bilaabeen xerada qaxootiga Bureij ee deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza. Bureij ayaa ku dhow xerada Nuseirat.

Israel ayaa waxaa cad inay ka gudbeyso khadka cas ee shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimo iyo kan dagaalka, taas oo ka dhigeysa dowlad go’doon ah.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayay bulshada caalamka u aragtaa mid ay Tel Aviv si ula kac ah ugu xasuuqeyso dadka aan waxba galabsan.

Duulaankan ayay xeeldheereyaasha ku tilmaameen mid khatar ku ah xasilloonida iyo deganaanshaha Bariga Dhexe.

Gumaadka Israel ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ayaa gobolka ka dhigtay mid ay xiisaddeedu aad u kacsan tahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc