Home Wararka Caalamka Israel oo dhankeeda sii deysay maxaabiista Falastiiniyiinta (SAWIRRO)

Israel oo dhankeeda sii deysay maxaabiista Falastiiniyiinta (SAWIRRO)

by Laacib

Maamulka Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd xabsiga ka sii daayay 39 qof oo reer Falastiin ah, ka dib markii Ururka Xamaas uu sii daayay 17 qof, oo 4 ka mida ay u dhasheen dalka Thailand, inta kalena ay Israeliyiin yihiin.

Maxaabiista la sii daayay ayaa la kala geeyay Bariga Magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Israel ayaa maxaabiista ku wareejisay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas, iyadoo gaari bas oo Laanqayrta Cas ay leedahay in ka badan 30 qof lagu geeyay Daanta Galbeed.

Boqolaal qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan qoysaska iyo ehelada ayaa maxaabiista ku soo dhaweeyay, markii uu basku soo gaaray Al Bireh oo u dhow Magaalada Ramallah.

Shacabka oo sitay Calanka Falastiin iyo kan Xamaas ayaa ku qaylinayay ‘Ilaahay baa weyn’ iyo ereyo ay ku muujinayaan taageeradooda Xamaas.

Sii deynta Israel ee dadkaasi ayaa qayb ka ah heshiiska xabad joojinta ee 4-ta maalmood ee maxaabiista la isku weydaarsanayo.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Thailand, Srettha Thavisin ayaa soo dhaweeyay sii deysmada muwaadiniinta Thailand ee laga sii daayay Gaza.

“Baaritaanada jireed ee bilowga ah ayaa muujinaya in qof kasta uu caafimaad qabo. Qofna uma baahna daryeel caafimaad oo degdeg ah, qof kastana wuu hadli karaa oo si caadi ah ayuu u socdaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Thailand.

Raysal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay “Qof kasta wuu ku faraxsan yahay in la sii daayo. Guud ahaan caafimaadkooda dhimirka ayaa ku sugan xaalad wanaagsan, waxay rabaan inay qubeystaan ​​oo ay la xiriiraan qoysaskooda.”

Xamaas ayaa Jimcihii sii deysay 24 qof oo 11 ka mid ah ay u dhasheen dalka Thailand, kuwaa oo ka mid ahaa dadkii lagu afduubay weerarkii 7-dii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc