Home Wararka Maanta Israel oo digniin u jeedisay Xisbullah iyo Dowladda Lubnaan

Israel oo digniin u jeedisay Xisbullah iyo Dowladda Lubnaan

by Laacib

Israel ayaa Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan uga digtay in ay xoogagooda sii wadaan weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada dhaca xadka waqooyi ee Israel.

War ka soo baxay Taliska Militariga Israel oo laga baahiyay raadiyaha afka ciidamada ku hadla ayaa lagu sheegay in Xoogaga Xisbullah ay gantaaladii ugu badnaa ku soo weerareen waqooyiga Israel, gaar ahaan Magaalada Kiryat Shmona.

Warka ayaa lagu sheegay in Xoogaga Xisbullah ay sidoo kale ku soo dhawaadeen khadka buluugga ee ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobey, taasina ay xaaladda kaga sii dari doonto.

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Israel ay si adag uga falcelin doonaan, haddii aan Xoogaga Xisbullah laga fogeyn xuduudda.

Gantz ayaa Dowladda Lubnaan iyo Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay qaadaan tallaabooyin ay Xisbullah kaga fogeynayaan xuduudda.

Israel iyo Xisbullah ayaa maalmihii ugu dambeysay si weyn isugu adeegsanayay gantaalada ridada dheer iyo duqaymaha cirka oo saamayn ku yeeshay khadka buluugga.

Ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa duqaymo isku weydaarsanayay deegaanada xadka, xiisadda ayaase cirka isu shareertay maalmihii la soo dhaafay.

Tobanaan kun oo shacabka labada dhinac ah ayaa ku barakacay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta xuduudda.

Xisbullah oo ah koox hubeysan oo awood badan, isla-markaana ay Iran taageerto ayaa ka careysan weerarada arxandarrada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Xisbullah ayaa laga yaabaa in ay isku dayayaan inay dib u qabsadaan Beeraha Shebaa oo ay sheeganayso Lubnaan, balse ay Israel ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanadkii 1967-kii.

Beeraha Shebaa ayaa dhaca xadka Lubnaan & Suuriya iyo Buuraha Golan Heights oo Israel ay haysato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc