Home Wararka Caalamka Israel oo duqayn ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xisbullah

Israel oo duqayn ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xisbullah

by Laacib

Militariga Israel ayaa maanta duqayn ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in Wissam Tawil lagu beegsaday koonfurta dalkaasi, gaar ahaan deegaanka Khibert Selm oo ka tirsan Degmada Bint Jbeil, xilli uu la socday gaarigiisa.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in diyaarad drone ahayd ay gantaal ku dhufatay gaarigii uu la socday sarkaalkaasi.

Wissam Tawil oo 58 jir ahaa ayaa loo yaqaanay (Jawad), wuxuuna ahaa Kuxigeenka Madaxa Unug ka tirsan Ciidamada Radwan.

Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay in Militariga Israel ay dileen mid ka mid ah taliyeyaashooda, markii ugu horreysay muddo saddex bilood ah, oo ay isku dhaceen Ciidamada Israel, ka dib duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Dilkiisa ayaa daba socdo weeraro dhowr ah oo diyaaradaha dagaalka Israel ay ku qaadeen bartilmaameedyada Xisbullah ee dalkaasi.

Is dhaafsiga duqaymaha ee u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah, oo bilowday wixii ka dambeeyay 7-dii bishii October ayaad mooddaa inay gaartay meeshii ugu sarreysay.

Xisbullah ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii October ay xoogageeda weeraro ka gaysanayeen fariisimaha ay Ciidamada Israel ku leeyihiin aagga xadka Lubnaan, si loo taageero shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Israel.

Xiisadda ayaa xuduudda Lubnaan iyo Israel ka dhigtay mid ay xaaladeedu kacsan tahay, iyadoona ay dad badan colaadda uga barakaceen guryahooda.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo xaqiijiyo buu yiri ammaanka waqooyiga Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe ayaa dadaal ugu jira, sidii loo xakameyn lahaa colaadda, inkastoo Mareykanku uu weli taageerayo in Israel ay sii waddo hawlgaladeeda Gaza, balse ay yareyso khasaaraha dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc