Home Wararka Caalamka Israel oo duqayn ku dishay taliye ka tirsanaa Ururka Xisbullah

Israel oo duqayn ku dishay taliye ka tirsanaa Ururka Xisbullah

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xalay sheegay in hawlgal gaar ah ay ku dileen Ismail Ali Al-Zin, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ismail Ali Al-Zin uu ahaa Taliyihii Qaybta Gantaalada Lidka Taangiyada ee Xisbullah, isla-markaana ay ku dileen duqayn ay ka fuliyeen koonfurta Lubnaan.

“Ciidankayaga ayaa Axaddii bartilmaameedsaday gaarigii uu watay oo marayay deegaanka Kounine ee koonfurta Lubnaan.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Israel.

Taliska ayaa ninkaasi ku tilmaamay inuu ahaa taliye muhiim ah oo ka tirsan Ciidamada Xisbullah ee Radwan, qaybtooda ka hortagga taangiyada, kuwaa oo muddooyinkii ugu dambeysay weeraro ku hayay waqooyiga Israel. Guutooyinka Radwan waa ciidan si gaar ah u tababaran oo Xisbullah ay leedahay.

“Al-Zin wuxuu ahaa il aqooneed oo muhiim ah oo ku saabsan gantaalada lidka taangiyada, wuxuuna masuul ka ahaa daraasiin weeraro gantaalo ah, oo ka dhan ah shacabka Israel iyo ciidamadayada ammaanka.” Ayaa lagu sheegay bayaanka Taliska Militariga.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaarad nooca dagaalka ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gantaal ku dhufatay gaarigii uu la socday sarkaalkaasi.

Ururka Xisbullah ayaa goor dambe xaqiijiyay geerida Ismail Ali Al-Zin, sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen bartooda Telegram-ka.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.

Duqaymaha Israel ee koonfurta Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay 320 qof, oo isugu jira Xoogaga Xisbullah iyo weliba dad rayid ah.

Israel ayaa dhankeeda qiratay in weerarada Xisbullah ee waqooyiga Israel ay ku dhinteen 10 askari iyo 8 qof oo rayid Israeliyiin ah.

Sidoo kale tobanaan kun oo shacabka labada dhinac ah ayaa ku barakacay xiisadda ka taagan deegaanada ku dhow dhow xadka ay wadaagaan.

Dad badani ayaa ka baqdin qaba in kor u kaca weerarada ka socda xadka labada dhinac ay uga sii daraan xaaladda gobolka.

Xisbullah iyo Israel, labaduba ma muujin inay diyaar u yihiin dagaal buuxa, balse Xisbullah ayaa ku celcelisay in weeraradeeda waqooyiga Israel ay ku taageereyso dadka reer Gaza ee wajahaya duulaanka Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc