Home Wararka Caalamka Israel oo eedeymo kulul u jeedisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Israel oo eedeymo kulul u jeedisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

by Laacib

Maamulka Israel ayaa ka carooday qodobka 99aad ee Axdiga Qaramada Midoobey ee uu cuskaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, si loo joojiyo duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo haysashada ay haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa warqad uu u qoray Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kaga codsaday in ay ka hortaggaan masiibo bani’aadantinimo oo weyn oo Israel ay ka gaysato Gaza iyo in lagu dhawaaqo xabad joojin bani’aadantinimo oo degdeg ah.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa sheegay in warqaddaasi ay caddayn dheeraad ah u tahay, sida uu Guterres u qaloocinayo buu yiri anshaxa iyo inuu ka eexday Israel.

“Baaqa Xoghayaha Guud ee xabad joojinta, dhab ahaantii waa baaq lagu ilaalinayo xukunka argagixisada Xamaas ee Gaza.” Ayuu yiri Safiirka oo ku celiyay baaqiisii ahaa in uu is casilo Xoghaye Guterres.

Safiirka ayaa daba-yaaqadii bishii October ugu yeeray Xoghayuhu in uu is casilo, markaas oo Guterres uu Golaha Ammaanka ka hor sheegay in waxa ka socdo Gaza ay baalmarsan yihiin sharciyada caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Eli Cohen ayaa dhankiisa dhalleeceeyay qodobka 99-aad ee markii ugu horreysay uu cuskaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa sheegay in joogitaanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee xafiiska ay khatar ku tahay ammaanka caalamiga ah, sida uu yiri.

“Codsigiisa ah in la hawlgeliyo qodobka 99-aad iyo baaqa xabad joojinta ee Gaza ayaa ka dhigan taageeradiisa ururka argagixisada ah ee Xamaas iyo taageerada dilka dadka da’da ah, afduubka carruurta iyo kufsiga haweenka.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay “Cid kasta oo taageerta nabadda adduunka waa inay taageertaa in Gaza laga xoreeyo Xamaas.”

Guterres ayaa marar badan Tel Aviv ku eedeeyay in ay xaalad halis ah ka abuurtay Marinka Gaza, marka aad eegto duqaymaha baahsan ee lagu leynayo dadka rayidka ah iyo inay hortaagan tahay in gargaar bani’aadantinimo oo macno leh la gaarsiiyo shacabka Falastiiniyiinta ee sida weyn ugu baahan.

Qodobka 99-aad waxa uu u ogolaanayaa Xoghayaha Guud in uu horkeeno Golaha Ammaanka arrin kasta oo ra’yigiisa ah, khatar gelin karta ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Qodobkan waa awood gaar ah, waana aaladda keliya ee madaxbannaan ee siyaasadeed ee la siiyay Xoghayaha Guud ee Axdiga Qaramada Midoobey, taas oo u ogolaaneysa inuu isugu yeero Shirka Golaha Ammaanka oo iskiis u ah iyo inuu soo saaro digniino ku saabsan khataraha cusub ee nabadda & ammaanka caalamiga ah iyo arrimo aan weli ku jirin ajandaha golaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc