Home Wararka Caalamka Israel oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa inay qaadato Gaza

Israel oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa inay qaadato Gaza

by Laacib

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ku celiyay baaqiisa ku aaddan in shacabka Falastiiniyiinta ay isaga baxaan Gaza, si Israel ay ula wareegto dhulka muddada dheer go’doonsan.

Wasiirka oo la hadlay Radiyaha Ciidamada Israel ayaa sheegay in loo baahan yahay in Gaza laga sameeyo dhiirigelin ay uga baxayaan dadka degan, lagana soo reebo 100,000 illaa 200,000 oo qof.

Wasiirka ayaa sheegaya in dadka ka barakacay magaalada aan loo baahnayn inay dib ugu soo laabtaan Marinka Gaza.

Ururka Xamaas oo ka jawaabaya baaqa Smotrich ee dhulkooda looga xoogayo in ka badan laba milyan oo qof ayaa sheegay in ay dembi dagaal tahay barakacinta dadka rayidka ah.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey in ay qaadaan tallaabooyin ay ku joojinayaan dembiyada dagaal, isla-markaana ay kula xisaabtamaan Israel, waxa ay u gaysatay shacabka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa si adag uga horyimid tallaabo kasta oo dadka Falastiiniyiinta looga saarayo guryahooda.

“Ma ogolaan doono barakacinta, ha ahaato Marinka Gaza ama Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Mahmoud Abbas.

Smotrich oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Zionist Party ayaa horey u jeediyay fallooyin la mid ah in dadka rayidka ah laga saaro guryahooda, taas oo khilaaf ka dhex dhalisay Israel iyo xulafadeeda ugu weyn ee Mareykanka.

Xisbiga Smotrich oo ka caawiyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuu helo aqlabiyaddii uu u baahnaa, si uu u noqdo Raysal Wasaare markii lixaad ku dhawaad ​​​​sanad ka hor, wuxuu arkay qiimeyntiisa ansixinta oo hoos u dhacday, tan iyo bilowgii colaaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Aragtidiisa ayaa ka horimaaneysa hadalkii maamulku uu ku sheegay in Falastiiniyiinta Gaza ay awood u yeelan doonaan inay ku soo laabtaan guryahooda, ka dib marka uu dhammaaado dagaalka.

Ra’yi ururintu waxa kale oo ay muujinaysaa in inta badan Israeliyiintu aanay taageersanayn in dib loogu celiyo deegaamaynta Israel ee Gaza, ka dib markii Israel ay Gaza isaga soo baxay sanadkii 2005-tii. Israel ayaa ciidamadeeda iyo dadkii deegaamaynta looga sameeyay Gaza kala soo baxday, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysatay.

Netanyahu ayaa bishii November sheegay inaysan ku talo jirin inay mar kale qabsadaan Gaza, balse ay amnigeeda gacanta ku hayn doonaan, muddo aan la cayimin.

Dhanka kale Tony Blair, Raysal Wasaarihii hore ee Britain oo dhamamadkii toddobaadka booqasho qarsoodi ahayd ku tegey Tel Aviv ayaa la kulmay Raysal Wasaare Netanyahu iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada ee dagaalka, kuwaa oo sida la sheegay kala hadlay qorshe ay damacsan yihiin in Falastiiniyiinta looga raro Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Mr. Blair uu aqbalay in Israel uu uga wakiil noqdo damaceeda ah in dalalka reer galbeedka ay qaataan qaxootiga Falastiiniyiinta ee doonaya in dib u dejin looga sameeyo dalalkaasi, gaar ahaan Yurub.

Warbaahinta ayaa sheegeysa, maadaama ay dalalka Carabta diideen in ay qaabilaan dadka sida khasab ah lagu soo barakacinayo ay tahay xulafada Israel inay iyagu magangelyo siiyaan dadka reer Gaza.

Saraakiil ku dhow dhow Blair ayaa Isniintii beeniyay in Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska uu aqbalay in Yurub iyo Mareykanka uu ka dhaadhiciyo inay dib u dejin u sameeyaan dadka laga soo rarayo Gaza, sida uu qoray Wargeyska Jerusalem Post.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedada ay Israel mustaqbalka ka leedahay Marinka Gaza, balse Tel Aviv ayaan ka daali doonin qorshe kasta oo meelmar noqon kara, si ay u hanato dhulka Falastiiniyiinta.

Mareykanka iyo Britain ayaa Tel Aviv uga digay in ay soo celiso haysashadeedii Gaza, ayna tahay in Maamulka Falastiiniyiinta uu maamulo, ka dib marka ay dagaalka kaga adkaato Xamaas.

Si kastaba ha-ahaatee hadalada ka soo yeeraya Wasiirka Maaliyadda Israel iyo xubnaha kale ee xisbiga xagjirka ah ayaa dad badani ku riixday inay rumeysteen in Tel Aviv ay dooneyso inay si toos ah ula wareegto Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc