Home Wararka Caalamka Israel oo Golaha Ammaanka weydiisaneysa in la cambaareeyo Xoogaga Xamaas

Israel oo Golaha Ammaanka weydiisaneysa in la cambaareeyo Xoogaga Xamaas

by Laacib

Maamulka Israel ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay weydiisan doonaan inuu cambaareeyo Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Golaha Ammaanka ayaa saacadaha dambe ee Axaddan kulan degdeg ah ka leh xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Israel iyo Falastiiniyiinta.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa sheegay in kulanka ay ku dalban doonaan in goluhu uu si adag uga soo horjeesto Xamaas.

“Kulanka waxaan ku dalban doonnaa in goluhu sidoo kale uu garab istaago xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, si loo ilaaliyo amniga muwaadiniintayada.” Ayuu yiri Safiirku.

Safiirka ayaa ku hanjabay in Israel ay ka aargudan doonto Xoogaga Xamaas, iyadoo markaasi adeegsan doonto cududdeeda oo dhan.

Gilad Erdan ayaa sheegay in Israel ay ka gaashaaman doonto weerar la mid ah midkan, oo mustaqbalka kaga yimaada garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in tirada dadka ku dhintay weeraradii shalay iyo maanta ay gaartay 659 qof, dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 2,156 qof.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa khadka teleefanka kula hadlay Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ukraine.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaashaasi ay u muujiyeen taageeradooda, sida ay xaqa ugu leedahay inay is difaacdo, muddada ay doontaba ha qaadatee.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay Israel iyo xaqa ay u leedahay inay is difaacdo.

Israel ayaa la sheegaya in ay isku diyaarineyso hawlgal ballaaran oo ciidamadeedu ay ka fuliyaan Marinka Gaza, taas oo kaga sii dareysa xaaladda bani’aadanimo ee markii horeba ka jirtay Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa mar sii horreysay sheegay in ay Gaza ka jarayaan korontada, shidaalka iyo badeecadihii ay siin jireen.

Dadka reer Gaza ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii wajahayay go’doomin dhulka, badda iyo cirka oo Israel ay saartay. Gaza waxaa ku nool in ka badan laba milyan oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc