Home Wararka Caalamka Israel oo gumaad aan horey loo arag ka waddo Marinka Gaza

Israel oo gumaad aan horey loo arag ka waddo Marinka Gaza

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa toddobaadkii 3aad duqaymo baahsan ka gaysanaya Marinka Gaza, ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Isniintii oo keliya ay in ka badan 300 oo bartilmaameed ka fuliyeen Magaalada Gaza.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa ku hanjabay inuusan hawlgalka dhinaca hawada ah istaagi doonin, isagoona dadka ku harsan waqooyiga Gaza ugu baaqay in ay aadaan dhanka koonfureed ee magaalada, waana xilli koonfurta Gaza ay qudheedu duqayntu ka socoto.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha ku dhinteen 704 qof, oo ay ku jiraan 305 carruur ah iyo 173 haween ah.

Tani ayaa tirada dadka duqaymaha lagu dilay ka dhigeysa in ka badan 5,700 oo qof oo rayid ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxa kaloo ay sheegtay in illaa 40 xarumood oo caafimaad ay ku xirmeen duqaymaha baahsan ee ay magaaladu wajaheyso.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ku dhawaad kala bar dhismayaasha Gaza ay ku burbureen duqaymaha aan horey noocooda loo arag.

Israel ayaa la sheegaya in ay diyaargarow ballaaran ugu jirto hawlgal dhulka ah, oo sida la sheegay Xamaas lagaga sifeynayo Marinka Gaza.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa tilmaamay in sidoo kale hawlgalkaasi lagu soo samatabixin doono muwaadiniinta Israel ee lagu haysto Gaza.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in hawlgalka dhulka uu noqon karo mid waqti dheer qaata, balse ay rajeynayaan in ugu badnaan saddex bilood ay ku soo afjaraan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Gaza.

Xamaas ayaa xalay sii deysay laba ka mid ah la haysteyaasha reer Israel, ka dib xaalado caafimaad oo labadaasi qof oo haween da’ ahaa ay soo wajahday.

Militariga Israel ayaa Axaddii sheegay in illaa 212 qof oo Israeliyiin ah lagu haysto Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc