Home Wararka Caalamka Israel oo gumaad ka waddo Gaza iyo tirada dhimashada oo korodhay

Israel oo gumaad ka waddo Gaza iyo tirada dhimashada oo korodhay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa amar ku bixiyay in si buuxdo loo go’doomiyo Marinka Gaza, oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in uu bixiyay amarka sida buuxda loogu go’doominayo Gaza, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ku qaadday Israel.

“Waxaan la dagaalamaynaa xayawaanada bani’aadamka, waxaana amray in si dhameystiran loo go’doomiyo Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Israel.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabada lagu adkeynaynayo go’doominta Gaza ay kaga hortaggayaan inaanan la keenin shidaalka iyo sahayda cuntada, waana xilli la soo sheegayo in Gaza ay ka jirto koronto la’aan, adeeggii biyahana uu ka go’an yahay.

“Weerarka Xamaas waxaan uga jawaabi doonnaa sida ku habboon, waxayna Gaza ahaan doontaa mid go’doonka ku sii jirto.” Ayuu yiri Wasiirku.

Ka dib weerarkii Xamaas ay Sabtidii ka gaysatay dhulka ay Israel xoogga ku haysato, Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in ay bartilmaameedyo muhiim ah ka gaysteen Gaza.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa qoraal ku sheegay in ciidamadooda ay beegsanayaan goobaha ay Xoogaga Xamaas kaga sugan yihiin Gaza.

Taliska ayaa sheegaya in ay istiraatiijiyad ka leeyihiin goobaha ay xoogagaasi ka joogaan Gaza, oo muddo dheer ay Israel go’oomin daran ku haysay.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa saaka sheegtay in duqaynta ku socoto Gaza ay galaafatay nolosha 704 qof, oo ay ku jiraan 143 carruur ah iyo 105 haween ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay weeraradaasi ay hadda gaartay afar kun oo qof.

Ugu yaraan 700 oo qof oo Israeliyiin ah ayaa la dilay, tan iyo intii ay Xamaas weerartay Israel, halka in ka badan laba kun oo kalena lagu dhaawacay.

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ayaa si adag u garab istaagay falcelinta Israel iyo xaqa ay u leedahay sida ay sheegeen inay is difaacdo.

Israel ayaa sii waddo dhibaateynta ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee sida khasab ah dhulkooda lagu haysto.

Goobaha ay Xamaas weerarada ka gaysatay waa dhulkii ay Israel muddada fog deegaamaynta ka wadday, taas oo garab iyo gaashaanba ay kaga haysato xulafadeeda galbeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc