Home Wararka Caalamka Israel oo ka gilgilatay go’aanka reer Yurub ay ku aqoonsanayaan Falastiin

Israel oo ka gilgilatay go’aanka reer Yurub ay ku aqoonsanayaan Falastiin

by Laacib

Maamulka Israel ayaa ka carooday aqoonsiga ay Dowladaha Spain, Norway iyo Ireland ay markii ugu horreysay dowlad ugu aqoonsanayaan Falastiin.

Tel Aviv ayaa u yeertay Safiirada u joogga saddexdaasi dal, si ay uga la hadasho go’aanka ay ku aqoonsanayaan Dowladnimada Falastiin.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa Safiirada ku wargeliyay in ay dib ugu soo laabtaan Israel, si ay wadatashi uga yeeshaan xaaladda soo korortay.

Wasiirka ayaa Dowladaha Yurub uga digay cawaaqib daran, isagoona hoosta ka xariiqay inaysan dhayalsan doonin waxa wax u dhimaya sida uu yiri Israel qaranimadeeda.

“Waxaan u diraynaa Spain, Ireland iyo Norway farriin cad. Israel kama noqon doonto kuwa wax u dhimaya madaxbannaanideeda oo khatar gelinaya ammaankeeda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Israel aysan ka aamusi doonin, isla-markaana ay arrintan keeni doonto cawaaqib halis ah, haddii buu yiri Spain ay ku adkeysato rabitaankeeda ah inay aqoonsato Dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin.

Wasiirka ayaa ku andacoonaya in aqoonsiga Dowladnimada Falastiin ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Israel, taasna sida uu muujiyay ay Israel ka dagaalami doonto.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku hanjabay in inta uu xafiiska joogo aanu marnaba aqbali doonin in la aqoonsado Falastiin.

Ugu yaraan 140 dal oo ka mid ah 193 dal ee Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Falastiin.

Israel iyo dunida ayaa ku sii kala fogaanaya dhacdooyinka naxdinta leh ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc