Home Wararka Caalamka Israel oo kaga sii dareysa silaca ay ku hayso dadka reer Gaza

Israel oo kaga sii dareysa silaca ay ku hayso dadka reer Gaza

by Laacib

Maamulka Israel ayaa ciidan xoog leh soo dhoobay bariga deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza, gaar ahaan halka loo yaqaano Isgoyska Rafah, oo uu ku yaalo xadka Marinka Gaza uu la wadaago dalkaasi Masar.

Ciidamada Israel ee ku sugan bariga Rafah ayaa la sheegay in ay isku diyaarinayaan guluf ballaaran oo dhanka dhulka ah oo Rafah ay ku galaan, inkastoo looga digayo inay weerar dhameystiran ku qaadaan dhulka ay dadka barakacayaasha ahi ku badan yihiin.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku celiyay baaqooda ku aaddan in Israel ay ka fogaato weerar ballaaran oo xilligan ay ka gaysato Rafah.

Saraakiisha Ciidamada Israel ayaase dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan qorsheyaasha hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah, sida ay ku warantay CNN.

Israel ayaa dadka rayidka ah ka barakacineysa Rafah, xilli ay duqaymo culus ka waddo guud ahaanba Marinka Gaza, oo ay ku jiraan deegaano ay dadku dib ugu laabanayaan.

Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa maanta sheegtay in ugu yaraan 450,000 oo qof lagu khasbay in ay ka barakacaan deegaanka Rafah, oo billihii ugu dambeeyay hoy u ahaa dad tiradooda lagu qiyaasay 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan qaybtood ay ku laabteen deegaanka Khan Yunis, halkaas oo horey looga soo barakaciyay, waxayna dhulkaasi ku noqdeen, iyadoo si xun loo burburiyay guryahooda. Dadkan ayaana sheegay inaysan haysan meelo ay ku hoydaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in ka badan kala bar dadka ka barakacay Rafah ay toddobaadkii ugu dambeeyay u ahayd barakac kale, maadaama markii horeba ay Rafah ugu soo barakaceen, iyagoo ka cararaya duqaymihii baahsanaa ee ay Ciidamada Israel ka wadeen qaybaha kale ee Marinka Gaza.

Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in qoysaska barakacayaasha ay la kulmeen dhibaatooyin isugu jira daal, gaajo, haraad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu hayo.

UNRWA ayaa ku celisay inaysan dadku haysan goobo ammaan ah oo maanta ay ku badbaadi karaan, mana jirto bay tiri meel nabdoon oo Gaza ah.

Rafah waxay ahayd meeshii ugu dambeysay oo dadku ay wa-xoogaa nabadgelyo ku haysteen, inkastoo Israel ay toddobaadkii hore uga daba timid.

UNRWA waxay sheegtay inaysan jirin wax rajo ah oo ka sokeysa xabad joojin rasmi ah oo laga dhaqangeliyo Marinka Gaza, haddii kalena ay faraha ka bixi doonto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka sida adag loo go’doomiyay.

Duqaymaha xoogan iyo dagaalada ka socda waqooyi, bartamaha iyo cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ayaa waxaa dadka rayidka ah u dheer in weli Ciidamada Israel iyo Israeliyiinta mayalka adag ay hortaagan yihiin gurmadka bani’aadantinimo ee la doonayo in la gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digaya, haddii aan si degdeg ah loo fasixin kaalmada bani’aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay ay xaaladda Gaza isu bedeli doonto masiibo ba’an oo aan waxba laga qaban karin.

Waxa Gaza ka socdo ayaa ah ciqaab wadareed ay Israel ku hayso dadka rayidka ah, waana wax ka baxsan shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, balse ma jirto cid si muuqato illaa iyo hadda ugu la xisaabtameysa maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc