Home Wararka Caalamka Israel oo kaga sii dartay xaaladda Gaza

Israel oo kaga sii dartay xaaladda Gaza

by Laacib

Ciidamada Qalabka Sida ee Israel ayaa xalay duqayntii ugu ballaarneyd ka gaystay Marinka Gaza, tan iyo markii ay 7-dii bishan bilaabeen weerarada la sheegay inay kaga aargudanayaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Gaza.

Duqaynta ayaa timid, wax yar uun ka dib markii Israel ay jartay adeeggii isgaarsiinta iyo weliba khadka internet-ka, taas oo dheeraad ku ahayd go’doominta daran ee ay Tel Aviv ku hayso Marinka Gaza.

Sidoo kale waxay tani meesha ka saartay in dadku heli waayaan meel ay kala xiriiraan gaadiidka gurmadka degdegga ee dhaawacyada geeya goobaha caafimaadka.

Maamulada isbitaaladu waxay sheegeen in uu go’ay xiriirkii ambulance-yada iyo shacabka, waana xilli isbitaalada qaarkood ay si weyn u saameeyeen duqaymahaasi. Inkastoo aan la soo sheegin isbitaalo ku burburay duqaymaha, haddana hareerahooda ayay gantaaladu ku soo hoobanayeen.

Al Jazeera oo ahayd isha keliya ee laga la socday wararka Gaza ayaa baahisay in dadku ay dhaawacyada ku qaadayeen gaari gacanada, si ay ugu geeyaan isbitaalada.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa tebinta barnaamijyadeeda uga faa’iideysatay dhanka Satellite-ka, oo ay soo gudbintooda u adeegsaneysay.

Waxa duqaynta saa’idka ku ahaa ayaa lagu sheegay inay xalay ka qayb qaadanayeen maraakiibta dagaalka Israel iyo taangiyada ciidamada ee la soo dhoobay bannaanada hore ee magaalada.

Dhanka kale Ciidanka Dhulka Israel oo xalay isku dayay in ay gudaha u galaan Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmay Xoogaga Xamaas, iyadoona lagu khasbay in dib looga soo saaro magaalada.

Ururka Xamaas ayaa sheegay inay Ciidamada Israel ka hor istaaggeen in ay ka soo tallaabaan jiidda waqooyi ee Beit Hanoun iyo bariga Bureij.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ay jiraan boqolaal qof oo ku dhintay duqaymaha Israel, isgaarsiinta la jarayna ay hoos u dhigtay in wax badan laga ogaado tirada dadka ku waxyeeloobay duqaymihii ugu dambeeyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 377 qof ay dhinteen, ka dib markii ay Israel duqeysay goobo ammaan ah, oo loo qoondeeyay inay dadku ku sii nagaadaan.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in ay la’yihiin xiriirka shaqaalahooda ku sugan Gaza, isla-markaana aysan sheegi karin xaaladda ay ku sugan yihiin.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa jaritaanka isgaarsiinta iyo internet-ka Gaza ku sheegay mid walaaca ku kordhineysa caalamka.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin waxa ka socdo Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa soo cusbooneysiiyay baaqoodii ahaa in ay dadku isaga baxaan waqooyiga Gaza, ayna taggaan dhanka koonfureed ee magaalada, halkaas oo sidoo kale ay duqaymuhu ka socdaan.

Tel Aviv ayaa dhegaha ka fureysatay baaqa 120 dowladood oo codsaday in la joojiyo duulaanka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc