Home Wararka Caalamka Israel oo kaga sii dartay xaaladda ka taagan Gaza

Israel oo kaga sii dartay xaaladda ka taagan Gaza

by Laacib

Maamulka Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza ayaa sheegay in 179 qof oo carruur ku jirto lagu aasay xabaal wadareed ay uga sameeyeen dhismaha isbitaalkaasi.

Madaxa Isbitaalka Al-Shifa, Muhammad Abu Salmiya ayaa sheegay in bukaanada ay geeriyoodeen, ka dib markii uu shaqayn waayay qalabkii isbitaalkaasi, sababo ku aaddan koronto la’aan.

“Waxaa na lagu khasbay inaan isbitaalka uga dhex sameyno xabaal wadareed.” Ayuu yiri Madaxa Isbitaalka Al-Shifa.

Waxa uu sheegay in 7 carruur ah oo dhicis ahaa, kuna jiray dhallooyinka lagu koriyo carruurta dhicisnimada ku dhasha amaba aan billooyinkooda dhameysan iyo 29 bukaan oo ku jiray qaybta gargaarka degdegga ah ay ka mid yihiin dadka geeriyooday ee maanta halkaasi lagu aasay.

Muhammad Abu Salmiya ayaa sheegay in meydad fara-badan ay weli yaallaan isbitaalkaasi, xaaladduna ay tahay mid aad u cakiran.

“Waxaa jira meydad fara-badan oo daadsan dhismaha isbitaalka, korontana kama jirto qolalka qaboojiyaha ee meydadka lagu kaydiyo.” Ayuu yiri Abu Salmiya.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in maanta oo keliya ay geeriyoodeen 40 ka mid ah bukaanada lagu hayo isbitaalkaasi.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Israel oo hareereeyay isbitaalkaasi ay hortaagan yihiin in meydadka lagu aaso dibadda isbitaalkaasi.

Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in shidaal la’aanta soo food-saartay isbitaalkaasi iyo hareereynta Ciidamada Israel ay kaga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ka jirta.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Israel ku cadaadinaya in ay ilaaliso isbitaalkaasi, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dhallaanka dhicisoobay ay u geeriyoodeen koronto la’aan. Israel ayaa horaan Gaza ka jirtay adeeggii biyaha iyo korontada, iyadoona hortaagan in shidaalka la geeyo magaaladaasi.

Isbitaalka Al-Shifa oo ku yaala waqooyiga Gaza waa kan ugu weyn ee magaaladaasi, waxayna hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ay walaac ka muujinayaan xaaladda quusta ah ee isbitaalkaasi ka jirta.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka deyrinaya xaaladda Isbitaalka Al-Shifa, iyagoo ka baqdin qaba in khabuuro uu isu bedelo.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in Xamaas ay isbitaalada u adeegsato hawlgaladeeda, warkaas oo Xamaas ay beenisay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegaya in inta badan isbitaalada magaalada ay howlihii naf badbaadinta u joojiyeen shidaalka la diiday in magaalada la keeno, qaarka kalena ay hadda qarka u saaran yihiin in ay xirmaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc