Home Wararka Caalamka Israel oo kordhisay beegsigeeda ka dhanka ah Masaajidda Gaza

Israel oo kordhisay beegsigeeda ka dhanka ah Masaajidda Gaza

by Laacib

Tirada Masaajidda lagu burburiyay Marinka Gaza, tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen rabshadaha Falastiiniyiinta iyo Israel ayaa gaartay 31 Masaajid.

Wasaaradda Diinta & Awqaafta Gaza ayaa maanta sheegtay in duqaymaha sii kordhaya Israel ay ka waddo Gaza ay ku burbureen 31 Masaajid.

“Tirada Masaajidda la burburiyay oo markii hore ahayd 26 ayaa kor ugu kacday 31, ka dib duqaymo cusub oo Israel gaysatay oo ay ku burbureen shan kale.” Ayaa lagu yiri bayaan ay wasaaraddu soo saartay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Diyaaradaha Israel waxay sidoo kale burburiyeen Xaruntii Wasaaradda, Idaacadda Quraanka Kariimka ee wasaaraddu ay lahayd iyo Kaniisad.”

Wasaaradda ayaa Ururada Islaamka iyo hay’adaha caaamiga ah ugu baaqday in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah, oo ay ku soo fara-gelinayaan gardarada Israel ee Gaza iyo in Tel Aviv lagu la xisaabtamo fal dembiyeedkeeda ka dhanka ah rayidka, Masaajidda iyo Kaniisadaha.

Duqaymaha xoogan ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza oo ah kuwo aan loo meel-dayeynin ayaa baqdin ku haya dadka ku harsan magaalada.

Duqayntii ugu dambeysay ee xalay Ciidamada Israel ka gaysteen Gaza ayaa waxaa ku dhintay 55 qof oo rayid ah, sida ay sheegeen Saraakiisha Gaza.

Tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Gaza ayaa gaartay 4,385 qof, kuwaa oo ay ku jiraan 1,756 carruur ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc