Home Wararka Caalamka Israel oo ku dhawaaqday in la burburiyay qaab dhismeedka Xamaas ee waqooyiga Gaza

Israel oo ku dhawaaqday in la burburiyay qaab dhismeedka Xamaas ee waqooyiga Gaza

by Laacib

Israel ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay burburiyeen qaab dhismeedka Xoogaga Ururka Xamaas ee ka hawlgala Marinka Gaza, gaar ahaan dhinaca waqooyi ee Gaza.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in Israel ay hadda diyaar u tahay in ay soo afjarto duqaymaha ay ka waddo waqooyiga Gaza, haddii ay burburiyeen sida uu yiri qayb ka mid ah Xamaas-ta Gaza.

“Ciidamada Israel waxay burburiyeen qaab dhismeedka militari Xamaas ee waqooyiga Gaza. Dagaal-yahanada Xamaas hadda ma lahan taliyeyaal, balse si teel teel ah ayay ugu sugan yihiin waqooyiga Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamada Israel intii uu dagaalku socday inay dileen sideed kun (8,000) oo ka mid ah Xoogaga Xamaas.

“Ciidamada Israel waxay la wareegeen tobanaan kun oo hubkii Xamaas ah iyo mallaayiin dokumenti.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Israel.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in haatan ay xoojinayaan hawlgalada Xamaas looga ciribtirayo bartamaha iyo koonfurta Gaza.

“Waxaan hadda diiradda saarnay, sidii aan Xamaas uga sifeyn lahayn koonfurta iyo bartamaha Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray in dagaalku uu sii socon doono.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 23 kun oo qof oo dad shacab ah, halka in ka badan 58 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira in ka badan 7 kun oo qof oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn, kuwaa oo la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha ku burburay duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel.

Dadka reer Gaza oo tiradooda lagu sheego laba dhibic saddex milyan (2.3M) oo qof ayaa intooda badan ku barakacay colaadda, iyaga oo la hardamaya cunto iyo sidii ay hoy ku heli lahaayeen.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa Israel ku cadaadinaya in ay wax ka bedesho istiraatiijiyadeeda dagaalka, si loo yareeyo khasaaraha xoogan ee dadka rayidka ah, dadkii barakacayna ay dib guryahooda ugu soo laabtaan, iyadoo markaasi la gaarsiinayo gargaar ku filan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc