Home Wararka Caalamka Israel oo ku jahwareersan duulaankeeda Marinka Gaza

Israel oo ku jahwareersan duulaankeeda Marinka Gaza

by Laacib

Israel oo la dhibaatooneysa, sidii ay kaga adkaan lahayd Xoogaga Xamaas ayay ciidamadeeda dib ugu laabteen deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu Sabtidii sheegay in Xoogaga Xamaas ay dib ugu soo xoogeysteen deegaankaasi.

Taliska ayaa dadka rayidka ah ugu baaqay in ay isaga guuraan Jabalia iyo nawaaxigeeda, isla-markaana ay taggaan galbeedka Magaalada Gaza, si loo yareeyo bay yiraahdeen waxyeelada dadka rayidka ah, lagana fogeeyo goobaha dagaalka.

Ciidamada Israel ayaa duqayn culus ka bilaabay Jabalia iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari uu xalay sheegay in la burburinayo saldhigyada ay Xamaas ku leedahay waqooyiga Gaza.

Illaa 19 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqaymo ay Ciidamada Israel ka gaysteen waqooyiga iyo bartamaha Marinka Gaza.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in toban ka mid ah dadkaasi lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay xaafadda Sabra ee Magaalada Gaza.

Dhammaan dadkan la dilay ayaa ahaa dad shacab ah, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka WAFA.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in xoojinta weerarada ay Ciidamada Israel ku hayaan dhismayaasha waqooyiga Gaza ay ka dhigtay mid ku adag kooxaha samatabixinta inay gutaan waajibaadkooda.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa iska indha tiray waxyeelada ay ciidamadooda u gaysanayaan dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay inay ku foogan yihiin oo keliya ciribtirka Xamaas.

“Xamaas waxay dib u habeysay awooddeeda ciidan ee waqooyiga Marinka Gaza, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, annagana waxaa naga go’an, sidii aan uga takhalusi lahayn.” Ayuu yiri Daniel Hagari.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku wargeliyay in ciidamadu ay dib ugu laabteen Jabalia, isla-markaana ay ka bilaabeen hawlgalka lagu la dagaalamayo Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa hadda dib ugu laabtay Jabalia, iyadoo wejigii hore ee dagaaladii ka dhacay halkaasi ay Xamaas kala kulmeen jab xoogan, isla-markaana ay dagaaladaasi ku waayeen saraakiil iyo askar badan.

Ciidamada Israel ayaa la xusuustaa in billihii November iyo December ay dad fara-badan oo rayid ah ku laayeen deegaankaasi, iyagoo xitaa dhowr jeer garaacay xerada ugu weyn qaxootiga ee Jabalia.

Israel ayaa waxaa muuqata in toddobo oo dagaalka Marinka Gaza uu socday ay ku fashilmatay in ay xaqiijiso saddexdii hadaf ee ay ugu duushay dhulka go’doonsan, ee kala ahaa burburinta Ururka Xamaas, dib u soo celinta Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii iyo xaqiijinta inaanay Gaza khatar amni ku ahayn Israel.

Israel ayaa la sheegaya in ay ku jahwareersan tahay qaabka ay u wajaheyso dagaalka Xamaas, marka aad eegto in aysan istiraatiijiyad dhab ah ka lahayn, taas oo aad ka garan karto in marba ay meel isku qaadeyo, oo ay ku duuleyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc