Home Wararka Caalamka Israel oo la sheegay in 400 oo qof ku dishay Isbitaalka Al-Shifa + SAWIRRO

Israel oo la sheegay in 400 oo qof ku dishay Isbitaalka Al-Shifa + SAWIRRO

by Laacib

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in 400 oo Falastiiniyiin ah ay ku dileen Isbitaalka Al-Shifa, ka hor inta aysan isaga bixin Isniintii.

Xafiiska Warbaahinta ee Maamulka Xamaas ayaa sheegay in dadka ay Ciidamada Israel ku dileen isbitaalkaasi ay ka mid yihiin haweeney dhakhtar ahayd iyo wiil ay dhashay oo isna dhakhtar ahaa.

Meydad fara-badan ayaa laga helay gudaha isbitaalka iyo dhismayaasha kale ee ku dhow dhow, kuwaa oo sida ay dadku sheegeen ku baxay gacanta Ciidamada Israel.

Dadka rayidka ah ee ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay Ciidamada Israel iyagoo adeegsanaya cagaf-cagafyo ay xitaa soo faageen meydadkii duruufo jira awgood loogu aasay barxadda isbitaalkaasi.

Boqolaal qof oo shacab ah oo laga barakaciyay isbitaalka ayaa ku laabtay isbitaalkaasi iyo nawaaxigiisa, kuwaa oo sheegay inay arkayn meydad daadsan gudaha iyo dibadda ee xaruntaasi caafimaad.

Horaan, isbitaalka ayaa waxaa ku soo qaxay kumanaan qof oo rayid ah, ka dib markii si khasab ah looga soo saaray guryahooda, iyagoona isbitaalka u arkayay goob ay kaga baxsan karaan duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel. Boqolaalka qof ee dib ugu soo laabtay isbitaalka iyo agagaarkiisa waa qaar ka mid ah dadkii dhawanahaan gabaadsanayay, oo Ciidmada Israel ay maalmo ka hor dib uga barakaciyeen.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa beeniyay eedeynta uga timid Ururka Xamaas, isaga oo sheegay in ciidamadooda ay xil iska saareen inaanan la dhibaateyn bukaanada, shaqaalaha caafimaadka ama qof kasta oo rayid ah oo ku sugnaa aagga isbitaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay dileen 200 oo nin, kuwaa oo dhammaantood ka tirsanaa sida uu yiri argagixisada.

“Ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray illaa 900 oo qof, 500 oo ka mid ahna waxaa lagu helay inay xiriir la leeyihiin Xamaas iyo Islamic Jihad.” Ayuu yiri Daniel Hagari.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in 21 qof ay habeenkii Axadda u geeriyoodeen daryeel la’aan.

Dr Amira Al-Safady oo ka tirsan dhakhaatiirka Al-Shifa ayaa iyana sheegtay in 16 bukaan oo kale oo ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah ay dhinteen, ka dib markii halkaasi laga saaray.

Ciidamada Israel oo 18-kii bishii hore ee March weeraray isbitaalkaasi ayaa sheegay in weerarkoodu uu ka dambeeyay, ka dib markii ay heleen xogo sirdoon oo sheegaya in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas, isla-markaana ay weeraro ka soo abaabulaan, warkaas oo Xamaas ay gaashaanka u daruurtay.

Ciidamada Israel ayaa isaga baxay isbitaalkaasi, iyadoo uu burbur weyn ka muuqanayo.

Weerarka Ciidamada Israel ee isbitaalka ayaa sababay in gebi ahaanba ay istaaggaan adeegyadii uu bixinayay isbitaalkaasi.

Isbitaalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee Marinka Gaza, sababta ay Israel u burburisayna waa inaanan loogu adeegin dadka ku dhaawacma weeraradeeda iyo kuwa kale ee bukaan socodka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc