Home Wararka Caalamka Israel oo laba laabtay duqaynta Rafah iyo dhismayaasha oo ay burburineyso

Israel oo laba laabtay duqaynta Rafah iyo dhismayaasha oo ay burburineyso

by Laacib

Wararka ka imanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in Israel ay laba laabtay duqaymaha ay ka waddo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, xilli ay dagaalo ku dhex marayaan ciidamadeeda iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si ba’an u garaacaya bariga, bartamaha iyo daanta galbeed ee Rafah, iyagoona si aan kala sooc lahayn u burburinaya dhismayaasha.

Ciidanka Cirka Israel waxay duqaymahooda ballaariyeen, iyadoo inta badan dadkii rayidka ahaa ee horey ugu soo barakacay qaybaha Rafah ay ku khasbeen inay isaga cararaan deegaankaasi.

Duqaymahan ayaa lagu macneeyay farriin ay si cad Israel ugu direyso dadkii ku harsanaa Rafah in ay isaga wada baxaan, ka hor inta aysan gacanteedu gaarin.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya inaysan duqayntu ku koobneyn Rafah oo keliya, balse ay xitaa ka socoto qaybaha Marinka Gaza oo dhan.

Rafah waa meeshii ugu dambeysay ee Marinka Gaza ee ka badbaaday duulaanka Israel, waxaana hadda cad inay burburineyso deegaankaasi oo gabaad u ahaa 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Israel ayaa duulaankeeda ku ballaarisay Rafah oo horey loogu aqoonsaday aag bani’aadantinimo, waxayna ku taallaa goobta uu Marinka Gaza ka soo galo gargaarka ay hay’adaha caalamiga ah keenaan Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka horyimid baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan weerarin deegaankaasi. Ciidamada Israel ayaana horaantii bishii May bilaabay hawlgalkooda dhinaca dhulka ee deegaankaasi. Netanyahu ayaa Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ku gacan seyray amarkeedii ahaa in si degdeg ah loo joojiyo weerarka ballaaran ee Rafah.

Tan iyo bilowgii dagaalka, ugu yaraan 36,586 qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadan xaqiijisay in wadarta guud ee tirada dadka rayidka ah ee la dhaawacay ay gaartay 83,074 qof.

Khasaaraha dadka rayidka ah ayaa u muuqdo mid aad u kordhaya, mar kasta oo Ciidamada Israel lagu dhibaateeyo aagagga dagaalada, sababo ku aaddan kororka duqaymaha baahsan ee ay diyaaradaha dagaalka Israel ka gaysanayaan gebi ahaanba Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraro aargudasho ka fulinaya goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin.

Israel keliya ma beegsaneyso shacabka aan hubeysneyn oo keliya, balse sidoo kale waxay burburin ku haysaa kaabeyaasha rayidka ee muhiimka u ah nolosha dadka reer Gaza.

Shidaalka laga hortaagan yahay Marinka Gaza ayaa laga dareemay isbitaalada iyo warshadaha ku yaala dhulka go’doonsan, tanina waxay qayb ka tahay ciqaab wadareedka ay Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in warshadihii biyaha sifeynayay ee Marinka Gaza ay joojiyeen howlahoodii shaqo, ka dib markii ay shidaal la’aan soo food-saartay.

Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in qoysaska Falastiiniyiinta ay masaafo dheer u lugeynayaan, sidii ay u heli lahaayeen biyaha ay u baahan yihiin, waxayna sheegtay in dadku ay cagahooda maalayaan, iyadoo uu kuleyl daran jiro.

Israel ayaa kaga sii dareysa xaaladda quusta ah ee dadka reer Gaza, xilli ay socdaan dadaalo uu Mareykanku garwadeen ka yahay, laguna doonayo in dib loogu bilaabo wada hadaladii xabad joojinta ee colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc