Home Dhacdooyin Israel oo lagu daray liiska caalamiga ah ee dembiileyaasha ku xadgudba carruurta

Israel oo lagu daray liiska caalamiga ah ee dembiileyaasha ku xadgudba carruurta

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa Ciidamada Israel ku dartay liiska caalamiga ah ee dembiileyaasha gala xadgudubyada ka dhanka ah carruurta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Jimcihii Militariga Israel ku daray liiskan, oo ah diiwaan lagu xariiqo dembiileyaasha caalamiga ah ee loo garan ogyahay inay waxyeeleeyaan carruurta.

Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan ay si rasmi ah u soo saarto warbixinteeda sanadlaha ee carruurta iyo goobaha ay colaadaha ka jiraan, iyadoona si rasmi ah warbixinteedaasi ugu xusi doonto in Israel ay gashay liiska madow ee dembiileyaasha.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Israel lala socodsiiyay in lagu daray liiska dembiileyaasha ku xadgudba dhallaanka.

Israel ayaa tani ku muteysatay, sida aan kala sooca lahayn ee ay dadka rayidka ah ugu leynayso weerarada ay ka waddo Marinka Gaza.

Sida ku cad warbixinada laga qoray dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhacaya Marinka Gaza, Israel ayaa waxaa cad inay tahay dowlad aan ilaalin xuquuqul insaanka, waana dowlad intii ay jirtay aan lahayn sawir wanaagsan oo dhanka bani’aadantinimada ah.

In si ula kac ah loo laayo dadka rayidka ah amaba loo bartilmaameedsado iyo burburinta kaabeyaasha rayidka ayaa ka dhigan dembiyo dagaal.

Xeerarka caalamiga ah ayaa mamnuucaya dilka carruurta iyo in lagu xadgudbo, waxayna soo gelayaan dembiyada dagaalka ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Carruurta, dumarka iyo dadka da’da ah oo loo yaqaano (Birmageedada) ayaa waxaa mamnuuc ah in la dilo amaba la waxyeelo waqti kasta, gaar ahaan xilliyada ay colaaduhu jiraan.

Ku darista Israel ee liiskan ayaa timid, ka dib sideed bilood oo dagaal uu ka socday Marinka Gaza, laguna dilay in ka badan 15,500 oo carruur ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Dembiileyaasha gala xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha kuma xirna inay noqdaan kooxo hubeysan amaba dowlado, balse midda ay ka mideysan yihiin ayaa ah in si isu mida loola dhaqmo.

Axdiga Geneva ee ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa ayaa cid kasta oo lagu helo ka dhigeysa dembiileyaal ka gudbay khadka cas ee bani’aadantinimada.

Qaramada Midoobey ayaa horey Israel ugu dhalleeceysay in ay Gaza ka sameynayso masiibo gacan ku sameys ah, taas oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah, isla-markaana ah dembi dagaal.

Sidoo kale gaajeysiinta dadka rayidka ah oo ka dhigan ciqaab wadareed ahna dembi dagaal ayaa ah waxa maanta ay Israel ka waddo dhulka go’doonsan.

Dembiyada sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa ka carreysiiyay bulshada caalamka, iyadoona Israel ay muddo dheer jebineysay xeerarka caalamiga ah, marka aad eegto kororka dembiyadeeda joogtada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc