Home Dhacdooyin Israel oo mar kale dhacdo naxdin leh ka gaysatay Marinka Gaza

Israel oo mar kale dhacdo naxdin leh ka gaysatay Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa mar kale dhacdo naxdin leh ka gaystay Marinka Gaza, ka dib markii dhanka cirka ay ka duqeeyeen gaadiid ambulance oo dhaawacyo siday.

Gaadiidkan ayaa dhaawacyada ka soo qaaday Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza, iyagoona u waday dhanka xadka Rafah ee dalka Masar, si halkaasi xaaladooda lagu la tacaalo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka Israel ay weerar ku qaadeen gaadiidkan, xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Al-Shifa.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 15 qof, halka 60 kalena algu dhaawacay.

“Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa bukaano dhaawacyo culus qaba ka soo qaaday Isbitaalka Al-Shifa, waxayna ku sii jeedeen xadka Rafah ee dalka Masar, markii la beegsanayay.” Ayuu yrii Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Dhacdadani waxaan ku wargelinay Hay’adda Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas, waxaan kaloo ku wargelinayay dunida oo dhan in la weeraray dad markii horeba ku dhibaatoobay duqaymaha Israel.”

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday gaadiidkaasi, oo afar ka mida ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, halka shan 5aad ay hay’addaasi leedahay.

“Bartilmaameedka ula kaca ah ee kooxaha caafimaadka, waxay ka dhigan tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah axdiyada Geneva, waana dembi dagaal.” Ayay Bisha Cas ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Waxaa aad isu soo taraya dhacdooyinka naxdinta leh ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, kana soo horjeeda sharciyada caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Israel ayaa lagu eedeeyay in nooc kasta oo xadgudub ah ay ka gaysatay Marinka Gaza, balse aysan cid kula xisaabtameysa.

In ka badan 9,200 oo qof ayaa lagu dilay Gaza, 32,000 oo kalena waa lagu dhaawacay, tan iyo markii Israel ay bilowday weerarada ay kaga aargudaneyso Xoogaga Xamaas, ka dib weerarkii 7-dii October ay ka gaysteen dhulka la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc