Home Dhacdooyin Israel oo mar kale garaacday xerada qaxootiga Jabalia ee Gaza

Israel oo mar kale garaacday xerada qaxootiga Jabalia ee Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa duqayn labaad ka gaystay xerada qaxootiga Jabalia ee ku taala waqooyiga Gaza, maalin ka dib duqayn ay dad badani ku waxyeeloobeen oo Israel ka gaysatay xeradaasi.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa dhacay, xilli Israel ay jartay adeeggii isgaarsiinta iyo khadka internet-ka. Weerarkii shalay ayaa waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay boqolaal qof oo rayid ah, sida ay Saraakiisha Falastiiniyiinta sheegeen.

Militariga Israel ayaa sheegay in duqayntii Talaadadii ee Jabalia ay ku bartilmaameedsanayeen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xamaas, balse ma sheegin waxa duqayntii maanta ay ka dambeysay.

Xamaas ayaa sheegtay in duqayntii shalay ay ku dhinteen toddobo ka mid ah dadka la haysteyaasha, kuwaa oo saddex ka mida ay haysteen basabooro ajnabi ah.

Ma cadda khasaaraha nafeed ay gaysatay duqayntii maanta, iyadoona shaqaalaha gurmadka degdegga iyo kuwa caafimaadka ay weli ku howlan yihiin howlaha samatabixinta.

Xeradan ayaa ku taala goob ay degan yihiin ku dhawaad ​​120,000 oo qof, waana xerada ugu weyn qaxootiga ee Marinka Gaza.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in uu aad uga naxay dadka tirada badan ee ku waxyeeloobay weerarkii shalay ka dhacay xeradaasi.

“Aniga oo ka duulaya mowqifka cad ee Golaha Midowga Yurub ee ah in Israel ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, iyada oo la raacayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo xaqiijinta ilaalinta dhammaan dadka rayidka ah, waxaan ka naxay tirada badan ee dhaawacyada, ka dib duqayntii Israel ee xerada qaxootiga ee Jabalia.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ayaa yiri “Sharciyada dagaalka iyo bani’aadantinimada waa in la ixtiraamaa, lana dhowraa gargaarka bani’aadantinimo.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa sheegay in sii socoshada dhacdooyinka naxdinta leh ee ka imaanaya Gaza ay keeni doonto cawaaqib adag.

“Haddii xabad joojin degdeg ah aysan ka dhicin Marinka Gaza, oo ay sii socdaan weerarada Mareykanka iyo Maamulka Sahyuuniyadda, markaas waxay keeni doontaa cawaaqib adag.” Ayuu yiri Wasiirka oo booqasho ku jooga Magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka la dilay ay hadda gaartay ku dhawaad 8,800 oo qof oo rayid ah, tan iyo markii Israel ay bilowday weeraradeeda Gaza.

81 qof oo si xun ugu dhaawacmay weerarada Israel ee Gaza ayaa maanta laga qaaday Marinka Gaza, iyagoona la geeyay dalka Masar, si halkaasi loogu dabiibo.

Dowladda Masar ayaa si ku-meel-gaar ah u furtay xadka Rafah, si looga daadgureeyo dhaawacyada iyo dadka Falastiiniyiinta ee haysta basaboorada shisheeye.

Waa markii ugu horreysay oo bukaanada laga tallaabiyo xadka Rafah, tan iyo intii ay colaaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc