Home Wararka Caalamka Israel oo mar kale maxaabiista laga haysto ku leysay Marinka Gaza

Israel oo mar kale maxaabiista laga haysto ku leysay Marinka Gaza

by Laacib

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa sheegay in mar kale Ciidamada Israel ay duqaymaha ay ka wadaan Marinka Gaza ku dileen xubno kale oo ka tirsan la haysteyaasha Israeliyiinta ee halkaasi lagu hayo.

Al Qassam ayaa xalay sheegtay in Ciidamada Israel ay weerar xagga cirka ah ku dileen laba ka mid ah la haysteyaasha, sideed kalena ay dhaawaceen.

Al Qassam ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maxaabiista dhaawacantay ay xaaladdoodu tahay mid aad u liidato.

“Xaaladda dadka dhaawaca ah ayaa ah mid aad u khatar badan, marka loo eego awood la’aanta in ay helaan dawayn ku habboon.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Cadowga Israel ayaa ka masuul ah nolosha in kuwaan ku dhaawacmaan duqaymaha iyo gardarada joogtada ah.”

Xoogaga Xamaas ayaa la aaminsan yahay in ay Gaza ku hayaan illaa 130 qof, oo ka mid ah Israeliyiintii ay ku soo qafaasheen weerarkii ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Xamaas ayaa bishii November sii deysay 80 la haysteyaal ah, intii ay socotay xabad joojintii ku-meel-gaarka ahayd ee Gaza iyo heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan, sdiii la haysteyaasha ay dib ugu soo celin lahaayeen guryahooda.

“Waxaan isku dayi doonnaa inaan ku dadaalno in aan dib u soo celino dhammaan kuwa nool iyo kuwa dhintay meydadkooda.” Ayuu yiri Netantahu oo warkan ku sheegay wareysi dheer oo ABC News uu siiyay oo Axaddii lagu soo qaatay Barnaamijka This Week ee Axad kasta ka baxa Warbaahinta ABC.

Warka Xamaas ayaa imaanaya, xilli qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ay Xukuumadda Netanyahu ku cadaadinayaan in la joojiyo dagaalka, lana bilaabo wareeg kale oo heshiis maxaabiis is weydaarsi ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc