Home Wararka Maanta Israel oo qiratay inay dalka Suuriya ku dishay sarkaal ka tirsanaa Xamaas

Israel oo qiratay inay dalka Suuriya ku dishay sarkaal ka tirsanaa Xamaas

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay dileen Hassan Akasha, oo ahaa Hoggaamiyihii Militariga Xamaas ee dalka Suuriya, iyaga oo ku eedeeyay inuu ku lug lahaa gantaalo lagu soo tuuray Israel.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in sarkaalkan lagu dilay hawlgal ka dhacay Magaalada Beit Jinn ee gobolka koonfurta Suuriya ku yaala ee Rif Dimashq.

Bayaanka laguma faah faahinka sida loo dilay sarkaalkaasi, marka laga soo taggo in lagu dilay hawlgal ka dhacay dalkaasi Suuriya.

“Waxa uu lafdhabar u ahaa kuwa masuulka ka ah gantaalada ay Xamaas ka soo tuurtay dhulka Suuriya ee lagu soo weeraray Israel, toddobaadyadii la soo dhaafay.” Ayaa lagu yiri bayaanka oo sidoo kale lagu sheegay inaanay Israel u dulqaadan doonin weerar kasta oo lagaga soo qaado dhulka Suuriya.

“Ma ogolaan doono in argagixisadu ay nagaga soo duusho dhulka Suuriya, waxayna Suuriya qaadi doontaa masuuliyadda dhammaan dhaqdhaqaaqyada ka imaanaya dhulkeeda.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasha ee KAN ayaa sheegtay in Xoogaga Xamaas ay ka hawlgalaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala Gobolka Rif Dimashq iyo koonfurta Suuriya.

Waa wax naadir ah in Israel ay sheegato masuuliyadda bartilmaameedyada ay ka gaysato dalka Suuriya.

Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam ayaan weli xaqiijin warka ka soo yeeray Israel ee sheegaya in la dilay Hassan Akasha.

Haddii la xaqiijiyo geerida Akasha ayaa wuxuu noqonaya sarkaalkii labaad ee Xamaas ka tirsan ay Israel ku disho meel ka baxsan dhulka Falastiiniyiinta, tan iyo 7-dii bishii October oo colaadda ay dib uga dhex qaraxday labada dhinac.

2-dii bishan ayay ahayd, markii weerar dhinaca cirka ah oo Israel ka gaysatay koonfurta dalka Lubnaan lagu dilay Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Saleh al-Arouri.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc