Home Wararka Caalamka Israel oo shaacisay in duulaanka Rafah uu bilaaban doono bisha Ramadan

Israel oo shaacisay in duulaanka Rafah uu bilaaban doono bisha Ramadan

by Laacib

Maamulka Israel ayaa markii ugu horreysay shaaciyay xilliga ay hawlgalka dhinaca dhulka ah ay Ciidamada Militariga ka bilaabi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa ku hanjabay in duulaanka Rafah uu bilaaban doono bilowga bisha barakaysan ee Ramadan, haddii Xamaas aysan ka hor waqtigaasi sii deynin la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

“Waxaan si cad u leeyahay Xamaas waxay haysataa doorasho ay isu soo dhiibi karto, kuna sii deyn karto la haysteyaasha. Sidaasi daraadeed muwaadiniinta Gaza waxay u dagaaldegi doonaan ciidda bisha Ramadan.” Ayuu yiri Benny Gantz oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Qudus (Jerusalem).

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Haddii taasi la wayo, hadda waa dagaal, nabaddana waa ka dib.”

Benny Gantz ayaa yiri “Caalamka iyo Hoggaamiyeyaasha Xamaas waa inay ogaadaan, haddii Ramadanka la haysteyaasheenna aysan guryahooda joogin, dagaalku wuxuu ku fidi doonnaa aagga Rafah.”

Hadalkiisan ayaa imaanaya, iyadoo inta badan dalalka reer galbeedka oo Mareykanka ugu horreyo ay ka horyimaadeen weerarka dhinaca dhulka ah ee Rafah.

Dunida ayaa Israel ku cadaadineysa inaysan ciidamadeedu weerarin Rafah, bacdamaa ay gabaadsanayaan in ka badan kala bar dadka Gaza.

Rajada laga qabo in Israel iyo Xamaas ay gaaraan xabad joojin ku-meel-gaar ah ayaa ah mid sii yaraaneysa, inkastoo Mareykanka uu ku cadaadinayo in ay isla qaataan xabad joojin kmg ah, si loo sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay, haddii aanay Israel ka laaban qorshaha ay ku weerareyso cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ay xaaladda bani’aadantinimo ee dadka rayidka ah noqon doonto masiibo ka baxsan qiyaasaha bani’aadanka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa habeenkii Sabtida ku celiyay in Rafah ay ka sifeyn doonaan Xoogaga Ururka Xamaas.

Netanyahu ayaa sidoo kale Axaddii ku gacan seyray caalamka baaqyada la xiriira in la helo xalka laba dowladood oo deris ah.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ku barakaceen inta badan dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc