Home Wararka Maanta Israel oo shaacisay in iska difaaci doonto dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay

Israel oo shaacisay in iska difaaci doonto dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa Talaadadii go’aansaday inay hortaggaan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee Magaalada The Hague, si ay isaga difaacaan dacwadda ay ka gudbisay Dowladda Koonfur Afrika ee la xiriirta in Israel ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, welina ay ka waddo.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa Jimcihii Maxakamdda ICJ u gudbisay dacwadda ka dhanka ah Israel ee ku aaddan in ay gumaad ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza. Kiiska dacwadda ayaa lagu xusay in Israel ay dabeecad ka dhigatay ficiladeeda xun xun, ayna weli ku howlan tahay burburinta Gaza, iyadoona Koonfur Afrika ay maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar ku-meel-gaar ah, oo lagu farayo Israel in ay si degdeg ah u joojiso hawlgalada militari ee ka dhanka ah dadka Gaza.

Warbaahinta afka maamulka ku hadasha ee KAN ayaa sheegtay in go’aanka la qaatay, ka dib wada hadalo ay yeesheen madaxda sar sare, oo uu ku jiro Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Madaxda ayaa si dhow uga arrinsaday dacwadda xasuuqa ah ee ay Koonfur Afrika ka keentay, iyagoona go’aamiyay in The Hague loo diro qareeno ka socda Tel Aviv.

Wararka ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu bilaabay diyaarinta doodaha ay Israel isaga difaaceyso dacwadda.

Israel ayaa tobanaan sano ka hor saxiixday axdiga mamnuucaya xasuuqa, iyadoo ka duuleysa xasuuqii uu Hoggaamiyihii Naasigii Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay Yahuudda.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Israel, Tzachi Hanegbi ayaa sheegay in Israel ay xaadiri doonto maxkamadda, isla-markaana ay iska difaaci doonto kiiska ka yaala.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu oo lagu magacaabo Eylon Levy ayaa isna sheegay in Israel ay goobjoog ka noqon doonto fadhiyada maxkamadda.

“Dowladda Israel waxay ka soo muuqan doontaa Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee The Hague, si ay meesha uga saarto been abuurka dhiigga ee Koonfur Afrika.” Ayuu yiri Eylon Levy.

Eylon Levy ayaa yiri “Waxaan u xaqiijinaynaa Madaxda Koonfur Afrika inay taariikhda idin xukumi doonto, waxayna idinku xukumi doontaa si bilaa naxariis ah.”

Israel ayaa hadda u muuqato mid ka laabatay warkii ay saacadihii dambe ee Jimcihii ku cambaareysay Koonfur Afrika, ka dib markii ay bilowday tallaabo sharci ah oo la xiriirta in ICJ ay baarto dembiyadeeda xasuuqa ee Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa xilligaasi waxba kama jiraan ku tilmaamtay kiiska laga geeyay maxkamadda.

Xulafada Israel ee reer galbeedka ayaa loo maleynaya in ay kula taliyeen in ay tagto maxkamadda, halkaasna ay ka sheegto doodeeda ah in madaxda iyo ciidankuba aysan dhiig gacmaha kula jirin.

Qareenada ayaa isku diyaarinaya dhageysiga fadhiyada ugu soo horreya ee maxkamadda, oo la muddeeyay 11-ka iyo 12-ka bishan, sida ay xaqiijiyeen labada dowladood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc