Home Wararka Caalamka Israel oo sheegtay in ciidamadeeda ay la wareegeen Shejaiya, ka dib dagaal lagu riiqmay

Israel oo sheegtay in ciidamadeeda ay la wareegeen Shejaiya, ka dib dagaal lagu riiqmay

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa shaaciyay in ciidamadooda ay si buuxdo ula wareegeen xaafadda Shejaiya ee Marinka Gaza.

Shejaiya ayaa waxaa 10-kii maalmood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Ciidamada Israel iyo xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee isku dayaya in ay magaalada difaacaan, waxaana la sheegay in uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraaraa, tan iyo markii Ciidamada Israel ay dhanka dhulka ka weerareen magaalada.

“Ciidamada Qaybta 26aad ayaa soo geba-gabeeyay oo baabi’iyay awooddii Xamaas ee xaafadda Shejaiya.” Ayaa lagu yiri war uu galabta soo saaray Taliska Militariga Israel.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israel ay la wareegeen waxa ay ku sheegeen Xaruntii Guutada Shejaiya ee Xoogaga Ururka Xamaas, ayna ka qabsadeen agab sirdoon oo yiilay xaafaddaasi.

“Guutada 188aad ee gaashaaman ayaa qabatay Xaruntii Guutada Shejaiya ee Xamaas.” Ayaa lagu yiri warka.

Sida warka lagu sheegay, Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Golani ayaa door muhiim ah ka qaatay hawlgalka lagu la wareegay Shejaiya.

Taliska Militariga Israel ayaa ku waramaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen xubno badan oo ku lug lahaa weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Warka ayaa lagu yiri “Ciidamada ayaa xaafadda ka sameynaya hawlgalo xadidan oo lagu xaqiijinayo, si ay u dhameystiraan oo u burburiyaan saldhigyada Xamaas, una dilaan wixii ka haray ee weli xaafadda ku dhuumaaleysanaya.”

Taliska ayaa sidoo kale warka ku sheegay in intii uu dagaalka ka socday xaafaddaasi ay Ciidamada Israel dileen Saraakiil ka tirsan Ururka Xamaas, inkastoo aysan magacyadoodu sheegin.

“Ciidanka ayaa gacanta ku sii hayn doona aaggaasi, iyagoona ka fulin doona hawlgalo qorsheysan oo ku saleysan baahi hawleed.” Ayaa lagu yiri warka.

Taliska ayaa toddobaadkii hore sheegay in dagaal qaraar oo ka dhacay xaafaddaasi ay maalin qura kaga dhinteen sagaal askari, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sar sare.

Taliska ayaa qirsan in ciidamadooda uu xaafaddan ku qabsaday dagaalkii ugu kululaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc