Home Wararka Caalamka Israel oo sheegtay in waddo qura ay ku joojin karto go’doominta daran ee Gaza

Israel oo sheegtay in waddo qura ay ku joojin karto go’doominta daran ee Gaza

by Laacib

Maamulka Israel ayaa shuruud ku xiray inay joojiyaan go’doomiinta daran ee ay geliyeen Marinka Gaza ee Falastiin, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto.

Maamulkan Bariga Dhexe ka dhisan ayaa ku hanjabay inaanay qaadi doonin go’doomintaasi, illaa iyo inta ay Xoogaga Xamaas ka sii deynayaan dadka ay afduubka u haystaan.

Israel Katz, Wasiirka Tamarka Israel ayaa sheegay inaanay Tel Aviv fasixi doonin adeegyada biyaha, korontada iyo gargaarka bani’aadantinimada, inta laga sii deynayo dadka la haysteyaasha ah.

“Gargaarka bani’aadantinimada u fasixi mayno Gaza, wax koronto ahna lagama isticmaali doono, tuumbooyinka biyaha lama furi doono, baabuurta shidaalkana ma geli doonaan, illaama dadka laga afduubay Israel dib loogu soo celinayo dalkooda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegaya in ay isku xiran yihiin xaaladda adag ay geliyeen magaalada iyo dadka afduubka loogu haysto.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa go’doomintan ku qeexay mid sharci darro ah, marka loo eego buu yiri sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Israel ugu baaqay in ay si dhakhsa ah u qaaddo go’doomintaasi, isla-markaana ay furto marinada gargaarka, si lagaga jawaabo xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay go’doominta iyo duqaymaha baahsan ee ay ciidamadeedu ka wadaan Gaza.

Xoghaye Guterres ayaa sidoo kale Xoogaga Xamaas ugu yeeray in ay fasaxaan la haysteyaasha rayidka, oo sida uu sheegay qafaalkooda baal marsan xeerarka caalamiga ah.

Xoogaga Xamaas ayaa la aaminsan yahay in weerarka Sabtidii ay ku soo qafaasheen dad fara-badan, oo isugu jira Israeliyiin iyo ajaaniib.

Israel ayaa sheegtay in Xamaas ay weerarkaasi ku dishay 1,300 oo qof, in ka badan 3,300 oo kalena ay ku dhaawacday.

Xamaas ayaa goor sii horreysay xorriyadooda dib u siisay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, iyadoona sheegtay inaanay sida Israel dilin hooyooyinka iyo dhallaanka.

Weerarka lama filaanka ah ee Xamaas ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho ayaa wax la yaab lihi ku noqday Israel iyo xulafadeeda galbeedka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee Xamaas ka gaysato dhulka la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc