Home Wararka Caalamka Israel oo si carro leh uga dalbatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in uu is casilo

Israel oo si carro leh uga dalbatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in uu is casilo

by Laacib

Israel ayaa si adag uga falcelisay hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ku sheegay in Israel ay ku xadgudubtay sharcigada caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

António Guterres ayaa Talaadadii shir ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta ka sheegay in waxa ka socda Gaza ay baalmarsan yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay in weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto uu la xiriiro uun mid ka dhan ah gumeysiga ay Israel muddada dheer ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in Xoghayuhu uu u qiil dayo weerarkii Xoogaga Xamaas.

“Khudbaddii naxdinta lahayd ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ka jeediyay Shirka Golaha Ammaanka, iyadoo gantaalo lagu soo ridayo Israel oo dhan, waxay si shaki la’aan ah u caddeynaysaa in Xoghayuhu uu gebi ahaanba la socon xaqiiqda ka jirta gobolka.” Ayuu yiri Safiirka.

Safiirka ayaa yiri “Marka uu leeyahay weerarka Xamaas uma dhicin sabab la’aan, wuxuu muujiyay fahamka argagixisada iyo dilalka ay gaystaan. Runtii waa wax aan la fahmi karin, waana wax laga xumaado.”

Safiirka ayaa ugu baaqay Xoghaye Guterres in uu is casilo, tani oo noqonaysa markii ugu horreysay oo Safiir Israeli ah uu Xoghaye Guud ee Qaramada Midoobey oo xilka hayo ugu baaqo in xilka uu ka dego.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo muujiyay fahamka ololaha dil wadareedka carruurta, haweenka iyo waayeelka, uma qalmo inuu hoggaamiyo Qaramada Midoobey. Waxaan ugu baaqaya inuu si degdeg ah isu casilo.” Ayuu yiri Gilad Erdan, Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey.

Safiirka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ma jirto wax sabab ah ama macno leh oo lagu la hadlo kuwa u naxariista xadgudubyada ugu xun ee lagu hayo muwaadiniinta Israel. Ma jiraan wax hadal ah.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Eli Cohen ayaa dhalleeceeyay hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

“Mudane Xoghaye, adduunkee ku nooshahay? Xaqiiqdii kani maaha adduunkeenna.” Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay fadhiga gaarka ah ee Golaha Ammaanka.

Wasiir Cohen ayaa baajiyay kulan la qorsheeyay oo lagu waday in Xoghaye Guterres uu kula yeesho Magaalada New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin, Riyad al-Maliki oo isna madasha ka hadlayay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabo la’aanta Golaha Ammaanka, si loo joojiyo rayidka ay Israel ku leynayso Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc