Home Wararka Maanta Israel oo si naxariis darro ah dad rayid ah ugu leysay xero ku taala Marinka Gaza

Israel oo si naxariis darro ah dad rayid ah ugu leysay xero ku taala Marinka Gaza

by Laacib

Ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka oo Ciidamada Israel ay ka gaysteen xero qaxooti oo ku taala bartamaha Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in 70 qof ay ku dhinteen weerarka ka dhacay xerada qaxootiga Maghazi, tani oo weerarkii kale ee lagu qaaday xerada qaxootiga Bureij ka dhigeysa tirada dhimashada in ka badan 100 qof.

Toboneeyo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, ka dib markii duqaymaha lagu bartilmaameedsaday dhowr guri oo ku dhex yaala xerada Maghazi.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in meydadka ay ku soo qulqulayaan Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in qoysaska ay qodayaan burburka, iyagoo isku dayaya inay helaan dad badbaaday.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay baarayaan wararka sheegaya in ciidamadooda ay beegsadeen goobo ay rayidku degan yihiin.

Ciidamada Israel ayaa si aan kala sooc lahayn bartilmaameedyadooda uga gaysta Marinka Gaza, taas mid sarreysa ka dhigtay khasaaraha dadka rayidka ah.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, iyadoo Israel ka jawaabeyso waxay ciidamadeeda qaadeen weerar aargoosi oo aan kala joogsi lahayn oo dhul, bad iyo cirba leh, oo ay barbar socoto duulaan dhinaca dhulka ah oo ciidamadeeda ka wadaan magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc