Home Dhacdooyin Israel oo sii wadda dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysaneyso Gaza

Israel oo sii wadda dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysaneyso Gaza

by Laacib

Militariga Israel ayaa sii wada hawlgalka ballaaran ee ay ka wadaan magaalada labaad ee ugu weyn Marinka Gaza ee Khan Yunis.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo dhanka cirka ka taageeraya ciidamadooda ayaa duqaymo xoogan ka fulinaya bartilmaameedyo ku yaala Khan Yunis.

Hawlgaladan ayaa cadaadis badan saaray shacabka Falastiiniyiinta, oo la sheegayo in ay caqabad ka haysato, sidii ay u heli lahaayeen hoy iyo gargaarka bani’aadantimo ee ay sida weyn ugu baahan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay dad fara-badan ku khasbeen in ay u cararaan dhulka ciriiriga ah ee dhaca cirifka koonfureed ee Gaza, halkaas oo aan loo ballanqaadin in ay ku nabadgeli doonaan.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka ka baxsanaya duqaymaha oo qaarkood gaaray xadka Rafah ee dhinaca koonfurta Gaza ay sidoo kale la kulmayaan duqaymo aan loo meel-dayeynin.

Taliska Militariga Israel ayaa Axaddii dadka rayidka ah ku wargeliyay in ay u guuraan dhanka Rafah, balse ay diyaaradaha Israel garaacayaan xaafadaha la degan yahay ee halkaasi ku yaala.

Israel oo Jimcihii duulaankeeda Gaza u weecisay dhanka koonfureed ee Gaza ayaa carqalad gelisay howlihii gargaarka bani’aadantinimo ee mararka badan laga degay in la carqaladeeyo.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadiisu ay hadda ku dhow yihiin halka uu Khan Yunis ka degan yahay Yahya Sinwar, oo ah Gudoomiyaha Marinka Gaza.

Netanyahu ayaa sheegaya in maamulkiisu uu si aan xad lahayn u qabsan doono qaybo ka mid ah Marinka Gaza, si aynu uga abuurno buu yiri goob ammaan ah, tallaabadaas oo isku dhac ka dhex abuuri doonto isaga, xulafada gobolka iyo Mareykanka. Mareykanka ayaa bishii November Tel Aviv u sheegay inaanay qabsan karin dhul hor leh oo Falastiiniyiintu ay leeyihiin.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee Israel ka gaysaneyso dhulka go’doonsan ayaa kaga sii dartay xaaladda shacabka Falastiiniyiinta ee gaajada la hardamaya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, Israel ayaa Khan Yunis ka wadda duqaymihii ugu xooganaa, tan iyo markii ay Jimcihii dib u bilowday hawlgalkeeda dhinaca dhulka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadka reer Gaza ay wajahayaan marxaladdii ugu adkeyd ee nololeyd iyo weliba burbur adduun.

Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegay inaanay meel amni ahi ka jirin Marinka Gaza.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in lixdan boqolkiiba (60%) dhaawacyada ay u baahan yihiin daweyn degdeg oo dibadda ah, tani oo ka tarjumeysa burburka hannaankii caafimaadka ee Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa warqad uu u qoray Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku sheegay in burbur buuxa oo ku yimaada hannaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza uu keenayo natiijo aan dib looga noqon karin oo ku timaada shacabka Falastiiniyiinta.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay duqaymaha Israel ay gaartay 17,177 qof.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay Ciidamada Israel dileen 350 qof.

“Ku dhawaad toddobaatan boqolkiiba (​​70%) dhibaneyaashu waa carruur iyo haween.” Ayuu yiri Afhayeenka oo xusay 46,000 oo kale ay ku dhaawacmeen duqaymaha Israel ay ka gaysaneyso dhulka la go’doomiyay ee Falastiin.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Ugu yaraan 290 dhakhaatiir ah ayaa la dilay, 102 ambalaas ayaa la burburiyay. Weerarada Israel ayaa lagu bartilmaameedsaday 160 xarumood oo daryeel caafimaad, halka 20 isbitaal iyo 46 xarumaha daryeelka aasaasiga ah lagu khasbay inay xirmaan.”

Israel ayaa 1-dii bishan bilowday olole militari oo ciidamadeeda ay ku hujuumayaan koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis, ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo hakad bini’aadantinimo ay kula jirtay Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc