Home Wararka Caalamka Israel oo soo bandhigtay qorshaha ay mustaqbalka ka damacsan tahay Marinka Gaza

Israel oo soo bandhigtay qorshaha ay mustaqbalka ka damacsan tahay Marinka Gaza

by Laacib

Israel ayaa weli ku adkeysanaysa in ay gacanta ku hayn doonto amniga guud ee Marinka Gaza, ka dib marka uu dhammaado dagaalka ay sheegeen in ay kaga takhalusayaan Ururka Xamaas.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sharaxay qorshahooda mustaqbalka ee Marinka Gaza iyo cidda maamuli doonta.

“Marka uu dhammaado dagaalka, Xamaas ma maamuli doonto Marinka Gaza, Israel-na waxay ilaalin doontaa xorriyaddeeda howleed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adaha Falastiiniyiinta ay maamuli doonaan Gaza, balse ay shuruuddu tahay inaanan Gaza laga soo abaabuli karin weeraro ka dhan ah Israel.

“Dadka degan Gaza waa Falastiiniyiin, sidaasi darteed Hay’adaha Falastiiniyiinta ayaa masuul ka noqon doona maamulkeeda, iyadoo uu shardigu yahay in aysan jiri doonin falal cadowtinimo ah ama hanjabaado ka dhan ah Dowladda Israel.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Israel ay iyadu gacanta ku hayn doonto amniga guud ee Gaza, illaa iyo inta loo baahan yahay, mana sheegin waqti cayiman.

“Annaga ayaa gacanta ku hayn doona amniga Gaza, waxayna sii socon doontaa illaa iyo inta loo arko inay lagama maarmaan tahay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan baarno badeecooyinka soo gelaya Gaza, sababo ammaan dartood.” Ayuu yiri Wasiirku.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa xusay in Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalalka gobolka ay iska kaashan doonaan dib-u-dhiska Gaza.

“Guddi howleed caalami ah oo uu hoggaaminayo Mareykanka oo kaashanaya Midowga Yurub iyo saaxiibada gobolka ayaa qaadaya masuuliyadda dib-u-dhiska iyo habaynta dhulkaasi.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay “Qorshahan waxa uu ka mid yahay qorsheyaal badan, oo maamulka uu kaga hadli doono shirarka soo socda.”

Hindisahan uu ka dhawaajiyay Wasiirka Difaaca ayaa ka tarjumaya in Israel ay weli ka biyo diidan tahay dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiintu leeyihiin, oo dagaalka ka dib laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Hindisaha ayaa muujinaya in Israel ay damacsan tahay in mustaqbalka ay Gaza ka dhisto maamul hoos yimaada Tel Aviv, maamulkaas oo noqon doono mid xadidan oo la haysto, tani oo aan la ogayn sida ay dadka reer Gaza ugu qanci doonaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc