Home Wararka Caalamka Israel oo u hanjabtay Xuuthiyiinta Yemen iyo Xuuthiyiinta oo u jawaabay

Israel oo u hanjabtay Xuuthiyiinta Yemen iyo Xuuthiyiinta oo u jawaabay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa ku hanjabay in ay xoog u adeegsan doonaan Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, ka dib markii Xuuthiyiinta ay ku hanjabeen in ay go’doominayaan Dekedaha Israel.

Xuuthiyiinta ayaa Sabtidii maraakiibta caalamiga ah uga digtay in ay taggaan Dekedaha Israel, haddii kalena ay bartilmaameed u noqon doonaan.

Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in dhammaan maraakiibta ku wajahan Israel, dal kasta oo laga leeyahay ay bartilmaameed u noqon doonaan, haddii aan si xor ah gaadiidka gargaarka loogu ogolaan Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa habeenkii Isniintii weeraray markab laga leeyahay dalka Norway, kaas oo ay sheegeen in uu ku sii jeeday Dekedaha Israel.

Afhayeenka Raysal Wasaaraha Israel ee dalalka Carabta, Ofir Gendelman ayaa sheegay in weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ay khatar ku yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo weliba Israel.

“Marka laga hadlayo weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta caalamiga ah, waxay khatar ku yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo Israel, khatartaasna waxaa lagu xalin doonnaa xoog.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.

Afhayeenka ayaan sharaxaad ka bixin nooca awoodeed ee ay u adeegsanayaan Xuuthiyiinta, si aysan u go’doomin Dekedaha Israel, marka laga soo taggo in Israel ay si adag uga falcelin doonto weeraradooda.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuuthiyiinta, Mahdi Al-Mashat oo ka jawaabayay hanjabaadda ka soo yeertay Israel ayaa sheegay inay u diyaargaroobayaan, si ay uga hortaggaan wax kasta oo suurtagal ah oo kaga iman kara Israel.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo aan ku weerari karno cadowga, waxaana sare u qaadi doonnaa heerka diyaargarowgeena, si aynu ula tacaalno cadowga.” Ayuu yiri Mahdi Al-Mashat.

Weerarada Xuuthiyiinta ee maraakiibta ku wajahan Israel ayaa si weyn looga dareemay Dekedaha Israel. Dekedda yar ee Ashkelon, oo ah tan ugu dhow Marinka Gaza ayaa hadda xiran dagaalka awgeed.

Israel ayaa ku tiirsan ganacsigeeda badda ee wax soo dejinta iyo dhoofinta. Dekedda Ashdod oo ku taala koonfurta iyo Haifa oo ku taala dhanka waqooyiga ayaa ah dekedaha ugu waaweyn ee Israel.

Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay kordheen weerarada ay Xoogaga Xuuthiyiinta ka gaysanayaan Badda Cas, taasina ay caqabad ku tahay ganacsiga caalamiga ah.

Xiisadda Xuuthiyiinta iyo Israel ayaa cirka isu shareertay, ka dib markii Ciidamada Israel ay ballaariyeen duulaankooda Marinka Gaza.

Duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Gaza ayaa waxaa ku dhintay 18,412 qof, halka 50,100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc